Maraykanka oo ku guul-darraystay dilka Haweenay caalamka laga baadi goobayo

Washington(Aftahannews):- Dawladda dalka Maraykanka ,ayaa ku guul-darraysatay dilka iyo khaarajinta haweenay caalamka  laga baadi goobayo,taasoo lala xidhiidhinayo falal argagixiso oo meelo kala duwan ka dhacay  oo uu ugu dambeeyay  kii lagu qabsaday dukaanka West Mall ee magaalada Nayroobe Xarunta dalka Kenya oo ay ku dhinteen ugu yaraan 67qof.

Maraykanka ,ayaa shalay qorsheeyay weerar dhinaca cirka ah oo la doonayay in lagu khaarajiyo haweenayda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite’s  taasoo loo adeegsaday weerar dhinaca cirka oo lagu beegsaday  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka.

Weerarka dhinaca cirka ee ay qaadday Xukuumadda Washington ee lagu bartilmaameedsanayay gabadha reer Ingiriis ee caalamka oo dhan aga raadinayo oo la sheegay inay ku sugan tahay gudaha Soomaaliya, anaa lagu guulaysan in weerarkaas lagu dilo halka diyaaradda aan duuliyaha lahayn(Drones) ee weerarka qorshaysan qaadday ay ku dishay   sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dirawalkiisii.

Sarkaalka lagu dilay duqaynta dhinaca cirka ah ee ay qaadeen diyaarahada aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka,ayaa la sheegay in markii hore qorshaha weerarku ahaa inay dilaan ugu yaraan shan hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ka mid tahay haweenayda reer Ingiriis  ee lagu magacaabo  Samantha Lewthwaite’s  taasoo la sheegay inay ku suan tahay deeggaanadda koonfrta Soomaaliya ee ay ka taliyaan kooxda Al-Shabaab.

Laakiin haweedayda Samantha Lewthwaite’s oo la sheegay inay ka mid tahay xubnaha  ay isugu dhaw yihiin hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab isla markaana ammaankeeda aad loo adkeeyo,ayaa la sheegay inaan weerarka Washington ay qorshaysay inaan waxba lagu gaadhsiin isla makaana ay ka badbaaday iyadoo aan a socon gaadhiga la bartilmaameedsaday ee lagu dilay sarkaalkii ugu sarreeyay dhanka caafimaadka ee kooxda Al-Shabaab.

 

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland