Madaxweynaha Puntland Oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Golaha Wakiilada Puntland

abdiweli_

Garowe(Aftahan News) Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Golaha Wakiilada dowlada Puntland ee Soomaaliyeed,ka dib markii uu maanta Madaxweynuhu uu Golaha Wakiilada uu la qaatay kualan qado sharaf ah.

Cabdiweli  Gaas ayaa sheegay in Xildhibaabada ay aas-aas u yihiin Puntland,maadama buu yidhi ay doorteen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,ayna ansixiyaan Golaha Wasiirada.

Dr.Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah ay u wada shaqeeyaan masuuliyiinta dalka,si buu yidhi looga gudbo duruufaha adag ee horyaala.

1-Dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa ku sheegay in dowlada Puntlad ay wado qabanqaabada shir ay isugu keenayso umada reer Puntland,si loo turxan bixiyo waxyaabaha kooban ee ay kala tabanayaan.

Wuxuu sheegay Dr. Gaas in Beesha Caalamku ay diyaar u tahay in dowlada ay gacan ka siiyo arrimaha Bulshada iyo Siyaasada iyo shirarka dowladu ay doonayso inay qabato.

2-Siyaasada,dhaqaalaha iyo amniga.

Madaxweyanah Puntland ayaa sheegay in dowladu ay la iman doonto dib u habayn dhaqaale si looga gudbo duraafaha dhaqaale ee taagan.

Dr. Gaas ayaa dhinaca kale sheegay in Puntland ay ka jirto amaan iyo xasilooni,hasa yeeshe ay ku dadaali doonaan kor u qaadida amniga iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

3-Cadaalada iyo Maxkamadaha.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Puntland Cadaalada iyo Maxkmadaha ayaa wuxuu balan qaaday in Puntland ay heli doonto Cadaalad iyo nidaam Garsoor oo ay ku qancaan guud ahaan dadweynaha reer Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in guud ahaan Gobolada Puntland ay heli doonaan Cadaalad loo siman yahay,uuna rajaynayo in hormarka Goboladu uu wada jaan qaado.

Dr.Gaas ayaa hoosta ka xaqriiqay in qoys iyo Koox yar aysan waxba qaban karin,laakiin himiladaas lagu gaadhi karo wada jir.

4-Xuquuqda Baarlamanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlada uu hogaanka u hayo ay ku dadaali doonto Golaha Wakiiladu ay helaan Xuquuqdooda ,si buu yidhi kor loo qaado tayada Baarlamanka.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuu markasta diyaar u yahay talo soo jeedinta Golaha Wakiilada Puntland.

5-Xukuumadda Cusub.

Mar uu soo hadal qaaday Madaxweyanaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas Golaha Wasiiradda cusub ee Puntland ayaa wuxuu sheegay in latashiyo uu kala sameeyay Madaxweyne ku xigeenka iyo qaybaha Bulshada,xatta Baarlamankiina waan kala tashtay ayuu yidhi Dr.Gaas.

Madaxweynaha ayaan khudbadiisa ku xusin waqtiga uu soo magacaabayo Golaha Wasiirada,hasa yeeshe Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Maalinta bari ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 28.1.2014 uu Madadaxweynuhu magacaabi doono Golaha Wasiirada cusub,inkasta oo arrintaasi uu dib u dhac ku iman karo.

Ugu damabyntii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas  wuxuu kula dardaarmay Baarlamanka inay la yimaadan dadaal iyo daacadnimo,waxaana uu cod dheer ku sheegay in Beesha Caalamku ay diyaar u tahay in Puntland ay gacan siiso.

Wajiga labaad ee kulanka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib guud ahaan Saxaafada ayaa laga codsaday in Madaxweynaha iyo Baaralamanka ay fursad u siiyaan inay wada hadlaan.

Aftahan News

Garowe/Puntland/Office