Golaha Wakiillada oo ansixiyey Xeer-hoosaad meesha ka saaray Ku-xigeennadii Guddoomiye Cirro ee KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa si rasmiya ula wareegay gacan ku haynta awoodii Golaha Wakiilada, kadib markii uu ku guulaystay wax kabadalka xeer hoosaadka golahaasi, isagoo tageero mugweyn ka helay Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE oo siyaasad ahaan si toosa u tageeray Xisbiga WADDANI.

Golaha-wakiiladda1

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 55 Mudane, waxaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas 42 Xildhibaan, waxaana diiday 8 Xildhibaan, 4 Mudane ayaa ka aammusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay wax ka beddelka lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Wakiilllada.

Xeerkan ayaa gabi ahaanba wuxuu xasanaddii Shir-guddoonnimo ka qaadayaa labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada oo kala ah Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed,  iyadoo hadda ka dib aanay  fadhiisan doonin Kursiga sare ee Shir-guddoonka, kaasoo uu keli ku ahaan doono Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Sidoo kale, waxaa xilka labadoodaba lagaga qaadi karaa 42 cod, siduu Xeerkan cusbi dhigayo, halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay codka ka qaadi karaan 55 Xildhibaan, taasoo kala faddilaysa xubnihii Shir-guddoonka Golaha ee muddada dheer rafiiqa ahaa.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo dhinac ah iyo labadiisa Ku-xigeen oo isku dhinac ah, ayaa khilaaf iyo muran ka dhex-qarxay dhawr bilood ka hor, ka dib markii ay labada Guddoomiye Ku-xigeen ka soo horjeesteen, isla markaana sharci-darro ku tilmaameen Isku-shaandhayn uu Guddoomiyuhu ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golahaas, iyaga oo labada ku-xigeen hirgelinaya rabitaanka iyo doonista Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inaanay jeclaysan isku-shaandhaynta lagu sameeyey Guddiyada Wakiillada.

Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa labadooduba ka soo jeeday Xisbiga talada haya ee KULMIYE, hase-yeeshee, Xeerkan oo intaan la ansixin-ba ay labada Ku-xigeen ka baxeen fadhiga maanta ee Golahaas, ayaa abuuri kara khilaaf cusub oo hor leh, isla markaana sii fogayn kara murankii iyo khilaafkii hore ee ka dhex-oognaa Shir-guddoonka Golahaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.