“Si Aanay Dhallinyaradu u Tahriibin, una xoojiyaan..ayaa Jaamacadda Loo Furay..” Prof: Saleebaan A. Guuleed

Hargeysa(Aftahannews):- Waa qaybtii saddexaad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.

Prof-Saleebaanssss

Qormadan maanta isaga oo ka warramaya halkii uu tegay markii laga qaxay magaalada Muqdisho iyo hawlo dhanka waxbarashada, siyaasadda iyo horumarinta ah oo uu door ka qaatay waxa uu yidhi “Markii ay Soomaaliya burburtay waxa aan muddo shan illaa lix sano ah joogay magaalada Addisababa ee waddanka Itoobiya. Kollay anigu siyaasi ma ahayn ee waxa aan ku hawllanaa horumarinta bulshada (community development), inta badanna waxa aan ku lug lahaa Soomaalida Itoobiya aniga iyo Dr Cabdimajiid Xueen Alle ha u naxariisto’e. Ogowna waxa aan ku dhashay reserved area oo nin laba dal-le ah baan ahay. Sidaas ayaanan wax ula qabanayay.

Markii aan halkaa tagnay waxa ay Soomaalida Itoobiya lahaayeen laba iyo toban urur. Waxa aan ku dedaalnay inaan mid keliya iskaga dhigno, waanan midaynnay oo aniga ayaa Guddoomiye u noqday. Hal urur oo la yidhaahdo (Ethopian Somali Democratic League) oo ku shiray Diridhaba.

Anigu waanigii ku idhi siyaasi ma ahayn oo xilna ma rabin. Markii aan isu geynnay waxa aan Guddoomiye uga dhignay Dr Cabdimajiid Xuseen Alle ha u naxariistee oo shaqo fiican ka qabtay, wasiirna ahaa. In aan hoggaan noqdana waan diiday oo siyaasadda ayaan xiise badan u haynnin. Waxa xoghaye guud loo doortay Shamsuddiin Axmed Rooble oo Wasiir ku-xigeen noqday imakana ah danjiraha dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Kiiniya.

Intii aan Itoobiya joogay, hawlaha kale ee aan la dhaqaajinnay waxa ka mid ahaa hirgelinta afka Soomaaliga maadaama oo ay Itoobiya oggolayd inay qawmiyaduhu afafkooda wax ku qoraan. Waxa aannu afka Soomaaliga ka hirgelinnay dawla-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markaa ahayd kililka shanaad. Xitaa Gobolka Oromomiya oo aanu markaa afkoodu qornayn waxa aanu la qornay luqaddooda oo aan higgaaddoodana u raacnay qoraalka Laatiiniga (Latinic script”.

Haddii aan halkaas sharrax kooban raacinno, qoraalka Laatiiniga ahi waa far-qoraalka ay hadda ku dhisantahay higgaadda Soomaaliga ee B, T, J, X,……. Higgaadda Ingiiriska ee A, B, C, D ayaa iyana fartaas ku aroorta… Waa fartii ay adeegsan jireen Roomaaniyiintii hore (Ancient Romans).

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo sii wada habkii ay Shucuubta Oromada uga gacan-qabteen inay qoraan afkooda waxa uu yidhi “waxa aanu u dirnay qolyo Soomaali ah oo aqoon-is-weydaarsiyo (work shop) u qabtay. Waxoogaa ayaannu abaabul ka galnay horumarinta Soomaalida Itoobiya”.

Markii la gaadhay sannadkii 1996kii, oo ah xilliyadii la waday shirarkii ugu dambeeyay dedaalladii lagu af-goynayay colaadihii waddanka ka dhacay intii u dhexaysay 1991-1996kii waxa uu Professor Saleebaan u soo wareegay Somaliland, waana kan isaga oo xog-warrankii sii amba-qaadaya “Gu’gii 1996kii waxa aan u soo wareegay Somaliland waxaanan bilawnay haloosigii iyo hindisihii lagu dhisayay Jaamacadda Camuud. Jaamacaddani waxa ay ahayd meel biyo-shub ah oo ay ku kala baydheen biyihii welwelka, iska hor imaatinka iyo rejo la’aanta iyo biyihii naruuradu. Fekradda aasaaska Jaamacadda Camuud waxa lahaa oo noola yimi muwaaddiniin qurbe-joog ah oo Sucuudiga iyo dalal kale ku kala sugnaa. Hirgelinta waxa u kacay koox (team) aan anigu ku jiray hormoodna u ahaa. Walaw si weyn na loo taageeray. Runtii Jaamacadda ma ay lahayn reer Awdal keligood, ha ahaadaan kuwa fekerka samaynta iyo dhismahaba hormoodka ka ahaa. Laakiin reer Somaliland oo dhan ayaa ka qayb qaatay.

Weliba waxa qayb ku lahaa hirgelinteeda Soomaalida kale ee dibadaha ku maqan. Saddexdii sannadood ee u horreeyay waxa aad nalooga soo taageeri jiray qurabaha. Waxa aannu arkay inay cirka ka soo muuqato daruur kor u qaadaysa oo noolaynaysa rejada dhallinyarada Somaliland. Dhallinyarada ayaa suuqa wada joogay: mid jaamacaddi ka joogsatay, ku dugsi sare ka baxay iyo mid dugsi dhexe ku jirayba, dhammaantood yididdiilo la’aan ayay ku jireen intii markaas dibadda u tegi kari weyday waxbarashada.

Suudaalka (tahriibka) qudhiisa oo markaas jiray waxa qayb ka ahaa inay dhallinyaradu waxbarasho sare u doontaan waddamada caalamka. Waxa muhiim ah in la ogaado in nabadda qudheedu ay ku xidhan tahay da’yarta, ee maha aha oday sidayda cimri badan jiray, waase loo baahan yahay oday hoggaamiye ah oo bulshada haga. Kuwa Soomaaliya ka degi la’dahay waa dhallinyarada ”

Isaga oo Professor Saleebaan sii iftiiminaya ujeeddooyinka salka u ahaa in la hawl-galo furitaanka Jaamacadda Camuud oo ah hooyada Jaamacadaha Somaliland waxa uu yidhi “…………….”

La soco qaybta 4aad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahayr Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.