Qodobbada War-Murtiyeed laga soo saaray Gunaanadka Shirkii Madaxda Ururka IGAD uga socday Muqdisho

IGAD MEETTING IN MUGDISHU 2016

Muqdisho(Aftahannews):- War-Murtiyeed ka kooban qodobbo kala duwan, ayaa caawa laga soo saaray gunaanadka Shir Maanta magaalada Muqdisho uga furmay Madaxda Xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD, kuwaasoo lagaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya lama taabtaan tahay, hannaanka doorashooyinka iyo nabadgelyada Soomaaliya.

IGAD MEETTING IN MUGDISHU 2016
IGAD MEETTING IN MUGDISHU 2016

War-Murtiyeedkaas oo ka koobnaa labaatan iyo laba qodob 22, waxaa markii shirkaas la soo gebo-gabeeyey Saxaafadda u akhriday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed, waxaana kulan gaar ah wada yeeshay Madaxweynayaasha waddamada Kenya iyo Soomaaliya Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay labada Madaxweyne ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid ahaayeen dib u bilawga Qaadka ama Jaadka Kenya laga keeni jiray ee Soomaaliya toddobaadkii hore shaacisay inay hakisay duullimaadyadii keeni jiray, kaasoo berri laga bilaabo ay sheegeen inuu si caadi ah u iman doono Soomaaliya iyo qodobbo kale oo Madaxweynaha Soomaaliya dalbaday.

Hase-yeeshee, War-Murteedka ka koobnaa 22 Qodob oo ay ay Warbaahinta u akhriday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed, waxaana ugu muhiimsanaa qodobbada; “In loo xaqiijinayo Soomaaliya Madax-bannaanideeda Dhul, Siyaasadeed iyo tan guud ee Midnimada Soomaaliya.

Shirka IGAD wuxuu soo dhaweeyay Warbixinta Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ka siiyeen Madaxdii Shirka joogay hannaanka doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay dadka oo dhan ka qayb-qaataan. In Madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga mahad-celiyay horumarka ay ka sameysay dhismaha maamul-goboleedyada, isla markaana waxa loogu baaqay in sida ugu dhaqso badan lagu dhammeystiro dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa IGAD ugu baaqay inay doorashadu noqoto mid cad oo aanu shaki ku jirin, isla markaana AMISOM ayaa lagu boorriyay inay bixiso wax walba oo fududeyn kara doorashada, gaar ahaan dhinaca ammaanka si ay dadku doorashada uga qayb-qaataan.” Kuwaas iyo qodobbo kale ayaa ka mid ahaa War-murtiyeedka IGAD.

Geesta kale, waxaa Kulan gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, ayaa Shir Jaraa’id oo ay kulankooda ka dib wada qabteen waxay sheegeen inay isku raaceen in dib loo furo Ganacsiga Jaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya loo iib keeno oo toddobaadkii hore dowladda Federaalku shaacisay inay hakisay, sidoo kalena Kenya ay muddo saddex bilood ah uga baaraan-dagto sidii loo joojin lahaa baadhitaanka dadka Muqdisho ka dhoofa lagu sameeyo markay marayaan degmada Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.