Shir Urur-goboleedka IGAD uga Furmay Muqdisho, Madaxda Joogta iyo Arrimaha Diiradda lagu saarayo

SHIRKA MADAXDA IGA UGA FURMAY MUQDISHO 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxda Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay Shir Hal maalin ah soconayaa uga billowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Soomaaliya lagu qabtay wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

SHIRKA MADAXDA IGA UGA FURMAY MUQDISHO 2016
SHIRKA MADAXDA IGA UGA FURMAY MUQDISHO 2016

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa Madaxweynayaasha Shirkaas ku casuuman, ayaan iyagu ka soo qaybgelin oo ka baaqday, isagoo Madaxweynaha Sudan ka cudur-daartay imaatinka shirkaas, beddelkiisana Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsan soo wakiishay, Shirkaas oo uu si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Halka Madaxweynaha Jabuuti Diyaaraddii sidday la sheegay inay Cilladi ku timi oo ay Jabuuti dib ugu noqotay isla Salaasadii Maanta, beddelkiisana ay Shirka ka qaybgaleen Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsani sida uu xaqiijiyey Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay markii la shaaciyey in Madaxweynihiisu dib uga laabtay Hawada sare ee Soomaaliya. Balse waxa fadhiya Madaxweynaha Kenya, Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu shirka furay, martina loo yahay.

Waxaa madasha Shirka ku sugan hoggaamiyayaasha dalalka Madaxweynayaasha Dalalka Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Soomaaliya iyo weliba Masuuliyiin ka socda dalalka Sudan iyo Sudanta Koonfureed. Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca muddo 30 sano ku dhow. Sabtidii aan soo dhaafnay, ayaa la filayey inuu furmo kulankani, balse dib ayaa ku yimi, mana caddeyn sababta dib loogu dhigay, hase-yeeshee Salaasada Maanta ayuu si rasmi ah uga furmay Muqdisho.

Shirka waxaa lagu falanqaynayaa, lagaga doodayaa amaba diiradda lagu saarayaa arriimaha doorashooyinka iyo nabadgelyada Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qalalaasaha ka taagan Sudan-ta Koonfureed, sida uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mr. Hadliye.

Urur-goboleedka IGAD, waxaa xubno ka ah Waddamada Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Sudan-ta Koonfureed iyo Soomaaliya. Calammada dalalka IGAD xubnaha ka ah, ayaa la sudhay Garoonka Diyaardaaha ee Aadan-cadde iyo Goobta Shirkaasi ka socdo ee Huteel Peace ee isla Muqdisho.

Nabadgelyada guud ahaan magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Gaadiidka laga mamnuucay ama laga joojiyey in ay isticmaalaan ama maraan waddooyinka magaalada qaarkood. Waddada tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan-cadde iyo Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay inay maraan ama isticmaalaan Baabuurta kala duwan iyo Dadka lugaynaya, marka laga reebo Baabuurta Hay’adaha Ammaanku wataan oo keliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.