Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Kala Hadlay Adkaynta Nabadgelyada iyo Difaaca Guud ee Somaliland

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), ayaa Shacabka kala hadlay arrimo la xidhiidha adkaynta nabadgelyada iyo difaaca Qarannimada Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Madaxweynuhu wuxuu sidaa ku sheegay munaasibaddii ciida oo shacabka reer Hargeysa kula tukadday mistijaamaca wayn ayaa markii tukashadda salaadda laga baxay, dadweynaha la hadlay waxaanu yidhi; “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.

Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena. Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno. Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.

Ugu danbayn, waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin: • in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna. • in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna. • in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.

  • in aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno. • in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska dalkeenna hooyo. Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan.

Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.