Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Sas Ka Qaaday Soo Guryo Noqoshada Xirsi X. Cali

images-3Hargeysa, (Aftahannews.com)Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, ka dib Safar uu ku tegay dalalka dibadiisa ku tegay.

Xirsi Xi Cali Xasan oo maanta ka soo degay Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta Muslimiinta ku kala nool daafaha dunida, waxaanuu yidhi, “Eid Mubaarik, dhammaan shacbiga Somaliland meel kasta oo ay  adduunka ka joogaan iyo shucuubta Islaamkaba waxaan leeyahay Ciid Mubaarik, illahay Ciidkaas Ciidkiisa caafimaad iyo barwaaqo haynagu    gaadhsiiyo… Aaamiin….Aaamiin”.

Sidoo kale, Madax-dhaqmeed, aqoon yahan, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo qaar ka mid ah qaymaha bulshada ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, kuwaasoo kaga hortey Madaarka Cigaal.

Hase yeeshee socdaalka uu dib ugu soo laabtay dalka XIrsi X. Cali Xasan, ayaa la sheegay inay siweyn uga naxeen Murashaxiinta xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Saylici iyo xubno kale oo ka tirsan hogaanka xisbigaas oo welwel iyo wal-bahaar ka qaaday, isla markaana warku wuxuu intaa ku darayaa in xubno kale oo ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Axmed Siilaanyo caawa iska waraysteen socdaalkii uu ku tegay dibadda iyo sonoqoshadiisa, taasoo wadnaha farta ku hayaan cabsida xoogan ee siyaasaddeed iyo saameyn uu ku yeelan karo haddii uu ka hilaaco xisbiyada kale ee Waddani.

Sidoo kale, xogaha ayaa tibaaxay  inaykulankaas ku lafa gureen miisaanka siyaasadeed oo culus innuu leeyahy Xirsi oo aan la dhayalsan karin oo saameyn weyn oo wiiqi karta innuu ku yeelan karo Murashaxiinta Kulmiye, gebi-ahaan-na uu badelaayo jawiga hirdanka siyaasadeed ee ka dhaxeeya saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID. Inkastoo Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo garabka isbaahaysiga dimuqoraadidoonka Kulmiye oo ay hogaaminayaan Xirsi X. Cali Xasan, Maxamed Biixi Yoonis iyo xuseen Axmed Xaydiid iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha guud ayaa labadooda dhinac-ba waxay hore u sheegeen in wada hadal u socdo xisbiga Waddani iyo Isbaahaysiga badeldoonka ah ee Kulmiye.