Qoyskii Sh. Bashiir Oo Ka Digay Cawaaqib Xumada Ka Dhalantoonta Haddii Uu Faraha Kala Bixiwayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Dugsiga Aabahood Loogu Magacdaray Ee Hargeysa

6Hargeysa, (Aftahannews.com)-Qoyskii uu ka tegay alle ha u naxariistee halgamaagii weynaa ee caanka ka ahaa dhulka Somaalida Sheekh Bashiir, ayaa nasiib daro iyo wax lagu xumaado ku tilmaamey in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku hawlan yahey iibinta Iskuulkii dawladdii Militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Bare ugu bagac-dartay Xuukamadda Axmed Siilaanyo ay maanta doonayso  qaabkii ku tirtirilaheyd mujaahidkii weynaa taariikhdiisii oo si macno daro ah loo iibiyo Dugsigii loogu magacdaray ee Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa.

Qaar ka mid ah qoyska reer Sheekh Bashiir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay innuu iskuulka boqolaalka qof ka faa,iideen ee macnaha weyn ugu fadhiya ummadda ku abtirsata afsoomaaliga, kana soo baxeen boqolaal qof ooh ore xukuumadu doonayso inay iibiso, uguna magac-darto ninkii Hindiga ahaa ee la odhan jiray Magtabada Gaadi, isla markaa waxay nasiib daro ku tilmaameen in arrintan oo kala hadleen Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay inay ka mid yihiin Beeshiisa Sacad Muuse raga doonaaya inay xukuumadu ka iibiso oo ay ka badelaan taariikhda Iskuulka Sheekh Bashiir.