Madaxweynaha Kenya oo Dhiggiisa Soomaaliya Kala Hadlay Xayiraadda Qaadka la saaray

MADAXWEYNAYAASHA KENYA IYO SOOMAALIYA OO KULMAY PHOTO FILE
MADAXWEYNAYAASHA KENYA IYO SOOMAALIYA OO KULMAY PHOTO FILE

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhiggiisa Soomaaliya wadahadal dhinaca Taleefanka ah kala soo sameeyey go’aanka mamnuucidda Diyaaradaha Kenya ee Qaadka dawlada Federaalku Muqdisho, inkastoo aanu dalka oo dhan saamayn ee ay gobollada Puntland iyo meelo kale oo Soomaaliya ka soo degeen Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya.

MADAXWEYNAYAASHA KENYA IYO SOOMAALIYA OO KULMAY PHOTO FILE
MADAXWEYNAYAASHA KENYA IYO SOOMAALIYA OO KULMAY PHOTO FILE

Afhayeenka dawladda Kenya Eric Kiraithe, ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru uu la xidhiidhay Madaxwenaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud si uu xayiraadda uga qaado duullimaadyada Jaadka Kenya ka soo qaadi jiray ee Muqdisho oo ah Suuqa ugu weyn ee maalmahan xayiran ay dib uga bilaabaan imashadoodii.

“Madaxweynaha Kenya ayaa dhiggiisa Soomaaliya ogeysiiyay sida mamnuucidda Qaadku u saamaynayso Beeraleyda Jaadka ee Kenya.” Sidaa ayuu yidhi Eric Kiraithe. Waxaanu Afhayeenka dawladda Kenya sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ay koox u diri doonto dalka Soomaaliya si xidhiidhka Ganacsiga ee ka dhexeeya loo hagaajiyo.

“Guddoomiyeyaasha gobolladu saamayn kuma lahan arrimaha caalamiga ah iyo ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeya Kenya iyo ummadaha kale.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeen Eric. Waxay dad badani u arkaan in mamnuucidda dawladda Soomaaliya ay soo rogtay ee duullimaadyada Jaadka ay ka dhalatay Peter Munya oo ah Badhasaabka gobolka Meru ee dalka Kenya oo safar ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland dhawaan, isla markaana shaaciyey inuu aqoonsan yahay Somaliland gooni-isu-taaggeeda, balse waxa uu ku dooday Afhayeenku inaanu hadalka Badhasaabku wax saamayn ah ku lahayn arrinkan.

Hase-yeeshee, Peter Munya wuxuu sheegay in naftiisu halis ku jirto oo arrinkaas joojinta Qaadka Kenya loo bartilmaansanayo Shaqsiyaddiisa. Beeraleyda Qaadka ayaa weli waxaa ay khasaarayaan Malaayiin Doollar maalin kasta tan iyo intii ay Soomaaliya Xayiraadda ku soo rogtay Diyaaradaha Qaadka ka keeni jiray Kenya ee Soomaaliya keeni jiray.

Waloow aanay xayiraaddaasi Soomaaliya oo dhan ka hirgelin ee ay Diyaarado Qaad sidaa fadhiisteen magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Laascaanood maalmihii la soo dhaafay, balse waxay ka hirgeshay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo qaadka ugu badani iman jiray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.