Tirada Muslimiinta Sannadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka iyo Iiraan oo aan Qof Kaga Jirin 2016-ka

GUDAHASHADA WAAJIBAADKA XAJKA

Makah(Aftahannews):- Dad Tiradooda lagu qiyaasay Hal Milyan iyo Badh (1.5) oo Qof oo Muslimiin ah, ayaa isugu tegay Dhulka Barakaysan ee dalka Sacuudiga, gaar ahaan Makah si ay u soo gutaan Waajibaatka Xajka oo ka mid ah Shanta Tiir ee Diinta Islaamka oo Isniinta ku tukan doona Salaadda Ciidal-adxada Masjidka barakaysan ee Xaramka.

GUDAHASHADA WAAJIBAADKA XAJKA
GUDAHASHADA WAAJIBAADKA XAJKA

Xujaajta sannadkan Xajaysa, ayaa Sabtidii Maanta ku sugannaa magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay. Gawaadhida, ayaa laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka Masaajiddada barakaysan ee Xaramka u jira laba Kiiloo Mitir.

Booliiska Sucuudiga ee ilaaliya ammaanka Xaramka iyo nawaaxigiisa, ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya Aqoonsiyadooda. In kabadan laba Kun oo Ruux, ayaa ku dhimatay Xajka sannadkii hore ka dib markii ay is-buurteen ama is-cidhiidhyeen markii ay ku jireen dhagax-tuurka.

Waajibka Xajka ayaa si rasmi ah u bilowday Sabtidii Maanta, iyadoo Axadda Berri ay Xujaydu joogi doonaan Banka Carrafa, halka Isniintana ay tahay maalinta Ciida ee ay Salaadda Ciidal-adxada ku tukan doonaan Xaramka, lana samayn doono Gawraca waajibka ah ee Xoolaha, gaar ahaan Idaha.

Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen waddanka Iran, iyadoo dowladda Iran Sacuudiga ku eedaysay in ay si xun u maamushay Xaramka, waxaanay dadkooda u diideen in ay sannadkan waajibaadka Xajka soo gutaan khilaafka dadka ku dhintay sannadkii hore ka dhashay oo meel xun ka gaadhay labadaas dowladood awgii. Sacuudigu waxa uu Iiraan ku eedeey in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.