Daawo Mawqifka Xisbiga WADDANI ee Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo & Difaaca Guddoomiye Muuse Biixi

GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI
GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inaanay aqbali karin go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ku kala reebay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo WADDANI sheegay inaanay ahayn Masuuliyadda Madaxweynaha kalsoonida Xisbiyadu u siiyeen inuu go’aan ka soo gaadho ee ay ahayd Saamiga Kuraasta Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee gobollada.

GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI
GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Xisbigoodu aqbalayn go’aanka kala qaadista doorashooyinka, isla markaana aanay ku kalsoonayn in xataa doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda ku qabsoonto. Madaxweynahana loo dirsan inuu Guddi magacaabo, inuu doorashooyinka kala qaado ama kala reebo iyo inuu muddo-kordhin sameeyo toona, Xisbigoodu Kalsoonida uu bixiyey-na in go’aan noocan ah lagu gaadho ahayn, cid muddo-kordhin ku metelaysa oo ay kalsooni siiyeenna jirin, go’aanka Madaxweynuhuna sharci-jebin yahay.

Balse Guddoomiyaha Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Khilaafku hadheeyey ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu sheegay inay aqbaleen go’aanka Madaxweynaha maaddaama oo ay hore Saddexda Xisbiba Kalsooni u siiyeen inay ku qancayaan ama ajiibayaan go’aan kasta oo uu Madaxweynuhu xal moodo oo uu ka soo gaadho arrinta Muranka Saami-qaybsiga gobollada ee Kuraasta Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, Balse ay ku xidhayaan Shuruudo dhawr ah oo ay ka mid tahay wakhtiga ay qabsoomayso doorashada Wakiilladu, in dib u habayn lagu sameeyo Golahaas, isla markaana uu meesha ka baxo Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa geestiisa go’aankaas Madaxweynaha ku tilmaamay mid sax ah, isla markaana sheegay in hadalka WADDANI yahay ka daba-hadal laga daba-keenay Kalsoonida ay Codka iyo Qoraalka ay Saxeexeenba ku siiyeen Madaxweynaha bishii hore inuu go’aan ka soo gaadho arrinta Saamiga Kuraasta Wakiillada ee gobollada, hubaanna in doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda oo ah 27-ka Maarso ee 2017-ka oo ay ahayd in mar la wada qabto labada doorasho ay ku qabsoomayso ta madaxtooyadu sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi.

Hadalka Xoghayaha guud ee Xisbgia WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ku faahfaahiyey Mawqifka Xisbigooda WADDANI ee la xidhiidha go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ee kala reebista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqalakan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.