Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubnaha la socday Maxay ka dooneen Xamaas oo Duleedka Berbera ah?

MUXUU SIILAANYO KA DOONAY XAMAAS

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta (shalay) ballaysimay oo majarafaddii u horraysay ku shubay jidka dhererkiisu dhan yahay 78Km, kaas oo ka bilaabmaya Xamaas oo ka tirsan degmada Berbera illaa magaalo madaxda Hargeysa. Jidkan ayaa noqon doono mid isugu jira samayn, buuxin iyo dayactir.

MUXUU SIILAANYO KA DOONAY XAMAAS
MUXUU SIILAANYO KA DOONAY XAMAAS

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen, Guddoomiyaha ahna Musharrax Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo xubnoWasiirro ah, ayaa waxa ku soo dhaweeyey Tuulooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, Masuuliyiinta gobolka Saaxil oo ay horkacayaan Guddoomiyaha gobolkaasi Jaamac Yuusuf, Duqa Magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), iyo Maareeyaha Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor). Waxa kale oo Madaxweynaha iyo weftigiisa aad u soo dhawaynayey dadweynaha ku dhaqan deegaamada uu sii maray.

Madaxweynaha oo madal si weyn loo soo agaasimay, laguna qabtay ballaysimada dhismaha jidka ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay jedadku u leeyihiin horumarka dalka, isgaadhsiinta iyo guud ahaanba isu socodka dadka. Waxa kaluu madaxweynuhu ka hadlay, siday uga go’an tahay waxka qabashada jidadka guud ahaan dalka, gaar ahaan kuwa gobolka saaxil oo uu ku tilmaamay kuwo halbowle ah isku xidhka dalka, siiba marsada caalamiga ah ee Berbera iyo waddanka intiisa kale iyo isku xidhka Somaliland iyo Wadamada Jaarka.

Madaxweynaha hadalkiisa waxa ka mid ahaa; “Farxad weynbay maanta ii tahay in aan ka soo qaybgalo dhagax-dhiga iyo dayactirka jidka Xamaas Iyo Hargeysa. Wadadaasi waa waddo aad iyo aad muhiima u ah, isgaadhsiinta qaranku waa waxyaalaha ugu mudan ee dadku u baahan yahay, maanta waxaynu ku faanaynaa inaynu dalkeenii dhisanayno, inaynu waddooyinkeenii dhisanayno, oo aynu isgaadhsiinteeni horumarinayno oo ah waxa ay dawladu culayska weyn saarayso ee ay ku tallaabsanayso. Xamaas iyo wadada aynu dhisayno maanta, isgaadhsiinta ayey door weyn ku leedahay, waxan ilaahay ka baryeynaa inuu inagu guuleeyo oo ay noqoto mid aynu ku faa’iidsano. Dawladuna wax Alle wax ay kala hadhaysaa ma jirto, itaalkeeda wixii ay qaban karto dawladu way qabanaysaa, insha Allaa ilaahay ha inagu guuleeyo.”

Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxweynenimo ee doorashada soo socota Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu dadka u soo jeediyey in la dhaafo in cid kale wax inoo qabato oo la gaadho in aynu inagu waxqabsano, cid kalena waynu wax u qabano, isla markaana aynu isu maqnaano balse aynaan isku maqnaan. Waxa iyaguna halkaa warbixin madaxweynaha ku siiyey wasiirka hawlaha guud iyo guryeyna Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Maareeyaha Wadooyinka Prof. Xasan Cali Cismaan iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (CalI Shoombe) oo sheegay in hantida ku baxaysa wadada ay wada jir u bixinayso Somaliland iyo Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), oo ka wakiil ah Dawlaha Boqortooyada Ingiriiska, Holland iyo Denmark.

Xogta iyo Diyaarinta Warka Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa/Somaliland.