Suldaanka Guud oo X/WADDANI ku eedeeyey Shir uu uga digay Dowladd-deegaanka Soomaalida Itoobiya & Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku eedeeyey Abaabulka Shir la sheegay inay Beelaha Garxajis yeelanayaan oo uu uga digay dowladda Somaliland iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in laga shirayo sidii dagaal cad loogu qaadi lahaa.

Suldaan Maxamed oo Saxaafadda qaarkeed Axaddii Maanta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Shirkaas oo kulammo hordhac u ah ay Guddiyo Beelaha Garxajis is-ka dhex-magacaabeen ku yeesheen magaalada Hargeysa toddobaadkii hore, inaanu waxba ka ogeyn, isaguna idmin qabashadiisa.

Hase-yeeshee, waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku dooday in Shirkaas ujeeddadiisu tahay in Somaliland lagu burburiyo, isla markaana lagu weeraro dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay inay Xisbiga WADDANI kala qayb-qaadanayaan Siyaasiyiin uu sheegay inay Soomaaliya ka yimaaddeen oo rabitaankoodu yahay duminta Somaliland sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaannu Hadalka Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo qodobbada uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.