Maayerka Hargeysa iyo Ku-xigeenkiisa oo Go’a saaraya Khilaaf ka qarxay dhexdooda, una hanjabay Wargeyska Foore

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, ahna Duqa iyo Ku-xigeenka Caasimadda, ayaa ku dedaalaya inay go’a saaraan, isla markaana qariyaan khilaaf la sheegay inuu ka dhex-qarxay oo markii ugu horraysay maalmo ka hor dibedda u soo baxay, ka dib markii ay Warbaahinta qaarkeed warkaas faafisay.

SOLTELKO IYO INA-CAGAWEYNE

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-Solteco) iyo Ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne), ayaa si wada jir ah u beeniyey  warar iyo xogo muhiim ah oo kashifay inuu jiro khilaaf hor leh oo labadan Masuul soo kala dhex-galay, iyaga oo u hanjabay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Foore oo ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa oo warkaas iyo xogtaas isagu shaaciyey.

Maayerka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-Solteco), ayaa isagu ugu horeyn waxa uu sheegay inay sharciga la tiigsan doonan isla markaana Sharciga ku kala bixi doonan Wargeyska Foore oo ah Wargeyskii Shalay warkan baahiyey, waxaanu yidhi Maayarka Caasimaddu mar uu qaar ka mid ah Warbaahinta u warramaay.

Soolteelko oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waa been cad oo waa arin xaqiiqda ka fog in aniga iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicaasiis Maxamed Xaashi wax khilaaf ahi naga dhexeeyo, marka Wargeyska Foore meesha uu Warkaas ka keenay, isaga ayaa caddeyn doona, waxa kale oo uu caddeyn doona halka aanu ku lunsanay Hantida, waxaanu la tiigsan doona Maxkamada iyo Xeer ilaalinta, anaga oo walibana u marayna Xeerka Saxaafadda, haddii ay caddeyn waayaana waxa aanu ka doonayna Magdhaw, sababtoo ah wey na ribeeyeen, oo wax aanana geyin ayey nagu sifeeyeen, runtii anagu mar walba waxa aanu heegan u nahay in aanu dadka si daacadnimo ku dheehan tahay ugu shaqeeyano, mar walbana heegan ayaanu u nahay”.

Maayar Solteco isaga oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “Anagu in aanu kor u qaadno Bilcida Caasimadda iyo Baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada iyo aanu mar walba dulqaad, daacadnimo iyo sinaan ku shaqeeynayo oo aanu bulshada ugu adeegno ayuu waajibkaygu yahay, taas ayaanu mar walba ku mashquulsan nahay oo aanu ku shaqeeyna, balse Warkan nalaga baahiyey waa mid xaqiiqda iyo runta ka fog.”

Geesta kale, Maayerka Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne), ayaa isna dhankiisa ka beeniyey isla markaana war xaqiiqda ka fog ku tilmaamay Warkan laga baahiyey,waxaanu isna sheegay inay sharciga la tiiigsan doonan cidii ka dambeeysay Warkaas laga qorey isaga iyo Maayarka, ,waxaanu iftiimiyey inay mar walba ku shaqeeyaan daacadnimo.

Maayar ku xigeenka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi isaga oo isna shalay Warbaahinta u waramaya ayaa yidhi; “Waa been, waana been abuur wax ka jirana ma jiro in Aniga oo ah Maayar ku xigeenka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, uu wax khilaaf ah ama is qabsi ahi naga dhexeeyo, xaqiiqdiina warkaas oo lagu baahiyey Maanta (Shalay), Wargeyska Foore waa been, meel alaale meesha ay ka keenana garan mayo, marka iyaga ayaa soo caddeyn doona halka aanu isku hayno ama aanu isku khilaafsanahay aniga iyo Maayarkeygu.”

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi; “Annagu haddii aanu nahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, mar walba waxaanu ku dadaalna oo aanu ku hawlganahay in aanu u shaqeeyno sida ugu wanaagsan, uguna daacadsan, waxaana dhab ah in muddadii kooobnayd ee aanu joognay ama aanu xilka haynay in aanu Bulshada reer Hargeysa wax badan u qabanay isla markaana bilicda Caasimadda wax badan ka qabanay, waxaana mar walba ku hawlganahay oo aanu doonayna in aanu dadaalkayga iyo kartidayada aanu sii laban laabno.”

Wargeyska Foore ee warkaas faafiyey, ayaa soo xiganayey ila-wareedyo ka ag-dhaw labada masuul iyo xogo muhiim ah oo uu Wargeysku xusay in lagu kalsoon yahay. Sidaa daraaddeed, hanjabaadda iyo ka galgalashada khilaafka u dhexeeya Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ayaa u muuqdo mid ay ku dedaalayaan, isla markaana bulshada warkaas saamayntiisu gaadhay ay go’a ku saarayaan in la xaqiiqsado warka biyo-kama-dhibcaanka ah ee Wargeysku baahiyey.

Aftahannews.com

Nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.