Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan Wasiirrada, Soomaaliya iyo Tirada Beelaha Somaliland Kaga Jirta

Muqdisho(Aftahannews):- Shabakadda wararka ee Aftahannews, ayaa ku guulaystay in uu helo Beesha uu ka soo jeedo Wasiir kasta oo ka tirsan Liiska Wasiirrada Xukuumadda cusub ee uu habeen-hore niskii dambe ku dhawaaqay Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

IMG_9250

Liiska Golaha Wasiirrada ee uu Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Habeen-hore labadii Habeennimo ku dhawaaqay, ayaa qaab-dhismeedka Xukuumaddiisu marka dhinac laga eegu uu u muuqdaa mid Beelaha Soomaalidu si siman u qaybsadeen marka loo eego Xukuumadihii Soomaaliya soo maray u dhisnaayeen oo ahaan jirtay 4.5. waxaanay Belaha Soomaalidu u uga muuqdaan liiska Wasiirrada hab siman oo min shan Wasiir, shan Wasiir Ku-xigeen iyo hal-hal Wasiiru-dawle ay u kala heleen Shanta Beelood ee Soomaalidu oo Beelaha Somaliland degaana ku jiraan.

Haddaba, Shabakadda Aftahannews.com oo raadiyey inuu helo Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada iyo Wasiiru-dawlayaasha oo tiradoodu ka kooban tahay 55 Masuul Beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxaanannu Akhristayaasha sharafta leh ee Shabakadda wararka ee Aftahannews, waxaannu halkan ugu soo gudbinaynaa Magacyada Liiska Xukuumadda Habeen-hore lagaga dhawaaqay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho iyo mid waliba beesha uu ka soo jeedo. Waxaanay kala yihiin sidan hoos ku qoran:-

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre (Hawiye-Xawaadle)

2. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed(Hawiye-Habar Gidir)

3. Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow(Hawiye-Muruursade)

4. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan (Hawiye-Baadi Cadde)

5. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Baroow (Hawiye-Gaaljecel)

1. Wasiirka Qorsheynta Saciid C/llaahi Maxamed (Daarood/Majerteen)

2. Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar (Daarood/Dhulbahante)

3. Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cabdi Xalane (Daarood/Ogaadayn)

4. Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Guraase(Daarood-Layla-kase)

5. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel (Daarood-Warsangali).

1. Wasiirka Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Saalim Caliyoow Ibroow (Digil/Mirifle-Jiido)

2. Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud (Digil/Mirifle-Jilible)

3. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Cali Aamiin (Digil/Mirifle-Leesaan)

4. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Khaalid Cumar Cali (Digil/Mirifle-Bagadi)

5. Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed(Digil/Mirifle…..)

1. Ku-Xigeenka Ra’isul-wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed (Dir/Habar yoonis(Sacad-yoonis)

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Ducaale Beyle (Dir-Gadubiirsi)

3. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed Oday (Dir/Habar-Jecel)

4. Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan (Dir/Gaadsan)

5. Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ducaale Aadan Maxamed(Dir….)

1. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed (Beesha Shanaad…..)

2. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Nucmaan Sheekh Ismaaciil (Beesha Shanaad……)

3. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye(Beesh Shanaad…..)

4. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud (Beesha Shanaad……)

5. Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar (Beesha Shanaad…….)

Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

C/laahi Maxamed Nuur Wasiirudowlaha Maalliyadda

Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga

Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka

Wasiir Ku Xigeennada

C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda

Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga

Mahad Maxamed Salaad Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada

Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Qorsheynta

C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka

Yuusuf Xeyle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta

C/laahi Colaad Rooble Wasiir Ku XIgeenka Warfaafinta

Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Axmed Cali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

Cismaan Libaax Ibraahin Wasiir ku xigeenka Beeraha

Maxamed Axmed Tarsan Wasiir ku xigeenka Sportiga iyo Dhalinyarada

C/kaafi Macalin Xasan Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha

C/raxmaan Cabdi Cusmaan Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha

Maxamed Ismaaciil Shuuriye Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Wasiir ku xigeenka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda

Maxamed Cali Geedi Wasiir ku xigeenka Macdanta

Axmed Aadan Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

Maxamed Axmed Kulan Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare

Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku xiigeenka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa

La Soco Beelaha Wasiir Ku-xigeennada iyo Wasiiru-dalayaasha Soomaaliya ay ka soo kala jeedaan Shabakadda Aftahannews.com oo ku dedaalaysa inay akhristayaasheeda u soo bandhigto haddii ILLAAHAY yidhaahdo oo aannu ku guulaysanno inaannu helno saacadaha soo socda insha Allaah, mana yaraysan doonno dedaalka aannu damacsannahay inaannu Akhristayaashayada kaga haqab-tirno helitaanka xog kasta oo ay tabayaan ama ay wax iska weydiinayaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.