“Marxuum Cigaal Wuu iga Adkaaday, Tanna Gardarro igagama imanne ma hadda..!” Guddoomiyaha Guurtida Soamliland

GUDDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa sheegay in Madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ILLAAHAY ha u naxariistee uu ka adkaaday, isla markaana uu qirsan yahay, weligiina aanu Xukuumad daandaansan illaa ay iyada wax kaga yimaaddaan.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN
GUDDOOMIYAHA G/GUURTIDA SOMALILAND SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay inaanay jirin sabab ay isugu dhacaan ama isaga horyimaaddaan Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana aanu isagu ku maqnayn, haddii aanay iyadu ku soo maqnayn, mar su’aal laga weydiiyey sida uu yahay heerka xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Hoggaanka Xukuumadda Somaliland ee wakhtigan.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Guurtidu ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Ciidan iyo Xiisadda dagaal ee maalmihii u dambeeyey ka aloosnayd ama ka taagnaa deegaanno ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, waxaanu ku baaqay in nabadgelyada lagu dedaalo, isla markaana colaadda aan lagu deg-degin.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Axaddii Maanta Saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa, arrimahaas iyo kuwo kale-ba isagoo ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.