Madaxweynaha Somaliland oo Isku-shaandhayn, Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis sameeyey & Xubnaha cusub

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku-shaandhayn, xilka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyey Masuuliyiinta laamaha dawladda qaarkood, kuwaasoo uu ka mid yahay Wakiilkii Somaliland u fadhiyey Itoobiya oo uu beddelay, Wakiil cusubna u magacaabay iyo xubno kale.

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Waxaa sidaas lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Xambaarsanaa Digreetada magacaabista, isku-beddelka iyo xil-ka-qaadista, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 uu magacaabid, isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Xukuumadda.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:- Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:- Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:- Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay:- In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Wakiilkii hore Somaliland u fadhiyey Itoobiya).

Ø MAGACAABIDDA WAKIILKA CUSUB EE ITOOBIYA:

Madaxweynuhu:- Markuu Ku Qancay:- In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Aaden Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya:-

Ø ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:

Markuu Ku Qancay:- In ay hanan karaan xilalkaa loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday:- In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha)

   In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( Bedel Agaasimihii Guud ee hoe ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda).

Ø MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:

Markuu Ku Qancay:- In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday:- In Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø Magacaabidda & Xilka Qaadista Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:- Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka, Markuu Tixgeliyey:- Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku   u leedahay Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:- In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka. Markuu Ka Fiirsaday:- Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu ku qancay:- in uu hanan karo xilkan loo magacaabay. Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø Ujeeddo: Xil-ka Qaadis:-

Ku:       Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim – Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)      

Mudane, Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Xambaarsanaa Digreetada isku-shaandhaynta, xilka-qaadista iyo magacaabista.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.