Ujeeddada Heshiis dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Addis Ababa ku shiray

WASIIRRADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA OO HESHIIS SAXEEXAY

Addis Ababa(Aftahannews):- Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa kala saxeexday Heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan taabanaya, kaasoo uu Wasiirka arrimaha dibedda Federaalka Soomaaliya sheegay in dalkiisa uu faa’iido badan u leeyahay heshiiskan uu la galay Kenya.

WASIIRRADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA OO HESHIIS SAXEEXAY
WASIIRRADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaa Heshiiskaas dhanka Soomaaliya u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaan Hadliye Cumar, halka dhinaca Kenyana ay u saxeexday Wasiirrka arrimaha dibedda Aamina Maxamed.

Heshiiska ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya, ka dib shir Masuuliyiinta labada dawladood dhex-maray, waxaana qoraalka warkaas oo Nuqul ka mid ah Warbaahinta Aftahannews heshay u dhignaa sidatan:-

“Addis Ababa, 1 February 2016: Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya, ayaa (31-01-2016)xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.

WASIIR CABDISALAAN HADLIYE IYO WASIIR AAMINA MAXAMED

WASIIRRADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA
WASIIRRADA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA OO HESHIISKA SAXEEXAYA

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.

Dhanka dalke Kenya, waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh madaxweynayaasha labada dal. Waxaana mustaqbalka dhow la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay qalinka ku duugaan heshiiskan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.