Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya

 

adis1

Addis-Ababa(AftahanNews)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Ra-iisal Wasaaraha  Dalka Itoobiya Haile Design Oo Isagu Marti Qaad Rasmiya U Fidiyey Madaxwayne silaanyo.

Kulankan Madaxweyne Siilaanyo La Qaaday Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Saacaddo Qaatay Qaatay Waxaa Lagu Lafa Gurey Kobcinta Xidhiidhka Saaxiibnimo Iyo Sidii Labada Dal Uuga Wadda Shaqayn Lahaayeen Wax-wada Qabsiga Iyo Horumarka Gaar ahaan Dhinacyadda Amniga Dhaqaalaha Kor U Qaadista Ganacsiga Ilaalinta Dimuqraadiyada Iyo Arrimo Kale.

Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Haile Maryan Desaign Uuga Waramey Marxaladihii Ay Somaliland Soo Martay Iyo Horumarka Ay Gaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Markii Uu Kulankaasi Dhamaaday Wuxuu Warbaahinta Uuga Waramey Wixii Ay Ka Wada Hadleen Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya Waxaanu Yidhi

“Waxaan Aad Iyo Aad Uugu Faraxsanahay Wax Wada Qabsiga Aanu Isla Gaadhney Xidhiidhka Itoobiya Iyo Somaliland Ka Dhaxeeyaa Waa Mid Saaxiibtinimo Weyn Ku Fadhiya Waa Mid wax wada qabsi ku Fadhiya Imikana Waanu Sii Xoojinaynaa Iyo Mustaqbalkaba Oo Halkaa Aanu Hore Uuga Sii Talaabsano  Oo Dhinac Walba Oo Leh Horumarinta Labada Dal Iyo Wada Shaqayntooda  Haday Tahay Xaga Wax Wada qabashada Haday Tahay Xaga Dekeda , Wadooyinka Dhinac Walba In Aan Wax Ka Wada Qabsano Ayaanu Isla Garanay” Ayuu Yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo Waxaa Kulankaasi Uu La Qaatay Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya Waxaa Ku  Wehelinayey Xubno Ka Mid ah Golihiisa Wasiiradda Iyo Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland Ee Dalka Itoobiya

 

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.