Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Markii u Horeeyey Cadeeyey Iscasilaadiisa.

 

xamarji1

Hargaisa (Aftahannews):- Gudoomiyhai Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji Ayaa Cadeeyey Iscasilaadiisa Isagoo Maanta Warbaahinta Kula Hadlay Magaaladda Hargaysa

Waxaanu Gudoomiyuhu Sheegay Inuu Shaqada Uuga Fadhiistey Sababo Caafimaad Darteed Balse Aanay Jirin Wax Kale Oo Culeys Ku Keenay Waxaanu Gudoomiyuhu Yidhi

“shalaybishu ahayd 10 waxaan codsi ixtiraam, qadarin iyo xishood badani ku dheehan yahay aan u qoray madaxweynaha Somaliland taasoo aan kaga dalbaday in xaalad ii gaar ah awgeed inaan shaqada uga fadhiist  cid kalana uu shaqadaydii u diro, safarna wuuku jiray madaxweynuhu ee ilaahay ha soo nabad celiyo , waxaanan ku rajoweynahay in marka uu imaado aan jawaabta ka helo”

Badhasaabka xilka iska casilay ee gobolka Togdheer oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo iskagacasilay xilkaasi waxaanu yidhi.

”wax dhibaato ahi ma jirto aniguna mudo badanayaan soo shaqaynayey  intaas aanshaqaynayeyna xaaladahaygii yo duruuftaydii ii gaarka ahayd  ayaan ugu baahday inaan is casilo , waxaananbeeninayaa wax ale wixi kale ee mala awaal ah ee warbaahinta la mariyey  inay waxba kama jiraan tahay  is casilaadayduna waa inta aan qortay ookaliya ,jawaabtana madaxweynaha ayaan ka sugayaa” Ayuu yidhi Gudoomiyihii iscasilay ee gobolka Togdheer.

Badhasaabka xilka iska casilay ee gobolka Togdheer Xamarje ayaa waxa uu sheegay in haddii uu madaxweynuhu ka aqbali waayo iscasilaadiisa aanu sii wadi doonin shaqada sababo la xidhiidha dhinaca caafimaadka awgeed, waxaanu sheegay inuu ka rajaynayo madaxweynaha inuu kaaqbalo is casilaadaasi.

Gudoomiyaha Iscasiley Ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji Ayaa Intii Uu Joogey Gobolka Togdheer Wuxuu Ku Talaabsaday Horumar Balaadhan Oo Gun Iyo Baar ah Kaasi Oo Ku Qotoma Cadaalad Sinaan, Iyo Walaaleynta Bulshadda Gobolka Togdheer

Xamarji Ayaa Noqonaya Badhasaabkii Uugu Horeeyey Ee gobolka togdheer iska casila tan iyo intii xukuumda silaanyo dalka haysay

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.