Illaa iyo 10 qof ayaan u amba bixinay magaalada Hargeysa Ee Casimada Somaliland

 so4

 Muqdisho (Aftahannews):- wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in  gobolladii ay u dhasheen  dib loogu celiyay tiro Soomaali ah  oo dhawaan dowladda ay ka keentay caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba oo colaado ka socodaan

“Illaa iyo 10 qof ayaan  u amba bixinay magaalada Hargeysa ee Casimada somaliland, kuwaasi waxay ka mid ahaayeen tiro dad ah oo dhawaan ay dowalddu ka soo qaadday dalka Koonfurta Suudaan”ayuu yidhi Cali Abtidoon Xalane oo ah ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaaliya.

Waxaa kaloo uu Xalane sheegay in dadka loo diray Hargaysa markii la keenay Muqdisho la dajiyay Hoteelo ay ku nastaan ,isla markaana ay jiraan kuwa kale oo dhawaan ,iyagana lagu celin doono gobolladii ay u dhasheen ama eheladooda ay daganyihiin si howlahoodi ganacsi ay dib ugu bilaaban.

“Dadka la saaray diyaaradda ee loo diray Hargaysa waa wajigii kowaad, waana ay inoo qorshaysantahay in inta dhiman maalmaha soo socda la amba baxiyo “ayuu hadalkiisa ku daray Cali ,isagoo xusay in dadkan ay dhibaatooyin fara badan kala soo kulmeen Jubba.

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii kuwa ku harsan qaybo kamid ah Koonfurta Suudaan loo keeni lahaa dalkooda,waxaana uu soo hadal qaaday Soomaali wali ku xayirin xuduudaha uu dalkaas la wadaago wadamada Itoobiya iyo Uganda.

waa marki ugu horreysay oo dowlad Soomaaliyeed ay arintan oo kale samayso tan iyo intii  somaliya ku jirtay bur-burka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.