Kulan dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ninka uu doorashada kaga guuleystay

Garoowe(Aftahnnews):- Kulan gaara,ayaa maaanta dhex maray Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas iyo ninka uu bedelayo ee uu doorashada kaga guulaystay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

 Kulanka labada masuul ee dhawaan xilka isku wareejin doona oo aan warbaahinta loo ogolayn ,ayaa la sheegay in u jeedadiisu aahayd dar daaran uu Madaxweynaha hore kula dardaarmayay ninka doorashada kaga guulaystay eek u fadhiisanaya kursiga uu banaeynayo.

 Wararka ayaa intaa ku daray in laga wada hadlay xilliga ay noqonayso xil wareejinta ay labada masuul xilka la kala wareegayaan.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland