Soomaali badan oo ka dareeray Shaqada ay ka hayeen Shirkad Maraykan ah oo Salaadda u diidday

SOOMAALI TUKASHADA SALAADDA LOO DIIDAY OO KA DAREERAY SHIRKAD MARAYKAN AH

Greanbay(Aftahannews):- Siddeetan Ruux oo 79 Soomaali yihiin, ayaa Shaqada ay ka hayeen Shirkad Cagafyada Barafka lagu xaadho iyo kuwa kale ee hawlaha nadaafadda lagu qabo ah soo saarta oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ka dib markii loo diiday inay Salaadda tukadaan xilligeeda.

SOOMAALI TUKASHADA SALAADDA LOO DIIDAY OO KA DAREERAY SHIRKAD MARAYKAN AH
SOOMAALI TUKASHADA SALAADDA LOO DIIDAY OO KA DAREERAY SHIRKAD MARAYKAN AH

Shirkadda New Ariens Manufacturing oo ku taalla magaalada Green Bay ee gobolka Wisconsin ee waddanka Maraykanka, ayaa soo saartay amar cusub oo ay ku mabnoocayso inaanay dadka Muslimiinta ah ee ka shaqeeya Shirkaddaas Tukan Karin Salaadaha wakhtigooda, balse ay tukan karaan wakhtiga kooban ee nasashada.

Hase-yeeshee, waxay 80 Ruux oo Muslim ah oo ka shaqaynayey Shirkaddaas oo isugu jiray 79 Soomaali ah iyo Hal Qof oo Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ku dhaqan ka tirsan, ayaa dood iyo codsi ay u gudbiyeen Masuuliyiinta Shirkaddaas oo laga diiday ka dib go’aansaday inay ka tagaan Shirkaddaas ay ka shaqaynayeen, maaddaama oo loo diiday inay Salaadaha tukadaan wakhtigooda saacadaha ay shaqada ku guda-jiraan.

Qaar ka tirsan Shaqaalahan Shaqada kaga tegay Tukashada wakhtiga salaadda ee loo diiday, ayaa Saxaafadda u sheegay in ay Madaxda Shirkadda ka codsadeen in wakhtiga ay Shaqada ku jiraan Salaadaha ay Tukadaan xilligooda, isla markaana Mushaharkooda laga jaro wakhtiga ay Salaadda u baxaan ee ay shaqadu socoto, hase-yeeshee, waxay sheegeen in laga diiday.

Sidaa daraaddeed, waxay sheegeen Soomaalidan Shaqada kaga tegay Salaadda loo diiday codsi ay ku dalbadeen in wakhti la siiyo ay sii shaqeeyaan inta ay Shaqooyin kale raadsanayaan, hase-ahaatee, Codsigaasna laga diiday, markaas ka dibna ay go’aansadeen inay ka tagaan Shirkaddaas ay ka shaqaynayeen oo ay bilaa camal noqdaan, intii Diintooda la khalkhalin lahaa ee Salaadda laga joojin lahaa, iyagoo u arkay go’aanka shirkaddaas mid aanay u hoggaansami Karin.

Ibraahin Maxamed oo ka mid ahaa Shaqaalaha ka tegay Shirkadda Ariens, ayaa Saxaafadda uga warramay sida ay uga tageen shirkaddaas, waxaanu yidhi; “Waxaannu Tukannaa Salaad kasta Wakhtigeeda, sidaa awgeed waxay Madaxda Shirkaddu yidhaahdeen, waa inaad Salaadda tukaddaan wakhtiga nasashada (30-ka daqiiqo) (Break time) ama aannu shaqada ka tagno. Sidaa daraaddeed, waxaannu saxeexnay Warqaddii shaqo ka tegista ahayd.”

“Haddii lagu yidhaahdo, ‘Waxaad tukanaysaa wakhtiga nasashada (break time) maaha wakhtigii Salaaddu taagnayd, markaa taasi suuragal maaha.” Sidaa waxa yidhi Iimaamka Masaajidka magaalada Grean Bay Iimaan Xasan Cabdi oo Saxaafadda Maraykanka la hadlay.

Geesta kale, Masuuliyiinta Shirkadda Ariens, ayaa ku dooday dhinacooda in Shirkaddu doonayso inay samayso horumar dhinaca wax-soo-saarkeeda ah, sidaa daraaddeed-na ay Muslimiinta Shirkadda ka shaqeeyaa wakhtiga ay Salaadda ku lumiyaan ka go’in Shirkad ahaan, isla markaana ay soo saareen Shuruucda ilaalinta wakhtiga oo uu qayb ka yahay qodobka dhigaya inay Muslimiintu Salaadda Tukadaan wakhtiga nasashada halkii ay shaqada oo socota hadba Salaadda taagan u bixi jireen tukashada.

“35 sannadood ayaan joogay Maraykanka, weligay maan maqal Shirkad Shaqaaleheeda u oggolaan wayda Shanta daqiiqo ee ay Salaadda markaas taagan tukanayaan. Tanina waa takoor iyo midab kala sooc cad oo lagula kacay dadka Islaamka ah ee Shirkaddaas u shaqaynayey.” Sidaa waxa yidhi Aadan Hurre oo Maraykanka deggan, isla markaana la hadlay Saxaafadda qaarkeed.

Magaalada Green Bay ee gobolka Wisconsin ee waddanka Maraykanka, ayaa labadii sannadood iyo badhkii u dambeeyey ay Soomaalida dalkaas ku dhaqan tiradoodu ku soo badanaysay, halkaas oo Masaajidkii u horreeyey-na laga dhisay dhawr sano ka hor, waxaanay dadku ka shaqaystaan shaqooyin kala duwan. Hase-yeeshee, mid ka mid ah Odayaasha Soomaalida ah ee hoggaamiya Soomaalida magaaladaas deggan, ayaa sheegay in tallaabadani ay 80-ka Ruux shaqada kaga tageen saamaynayso Bulshada Soomaalida ee magaaladaas ku soo badanaysay, isagoo xusay inaanay jirin Shirkad sidaas u wayn oo magaalada ku taalla oo tiro intaas le’eg oo shaqaale ah wada qaadan kartaa.

Turjumaadda Qorayaasha Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.