Golaha Deegaanka Hargeysa: Sannad Jir Aan Socod Baran! Qaybtii 2-aad

Faaqidaadda Qorayaasha Aftahannews.Hargeysa (Aftahannews):- Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sannad iyo maalmo ka hor la wareegay xilka, ka dib markii la soo doortay 28 November ee sannadkii 2012-kii, waxaan ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyey ee ay qaadeen inay korodhsadeen Mushahaarada ama waxa ay ugu yeedhaan Gunnada Xildhibaannada boqolkiiba konton in ka badan, taasoo fajac iyo amakaag ku noqotay badi dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Hargeysa.

Golaha-Deegaanka-Caasimadda-Hargeysa12

sss

LODA-HARGEYSA

Tallaabadan ay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Mushaharka ku korodhsadeen ayaa badi dadweynaha reer Hargeysa ku noqotay mid lama filaan ah oo ay su’aalo badan iska weydiiyeen, iyaga oo aan ka jawaabin hankie iyo himiladii ay ummaddu ku dooratay iyo weliba ballan-qaadyadii ay ku soo bandhigi jireen ololihii doorashada Golayaasha deegaanka waqtigii ay ku jireen, ballan-qaadyadaas oo waqtigan u muuqda kuwo badi beenoobay ama aan waxba ka hirgelin illaa hadda.

Ballan-qaadyada 25-ka Mudane ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa loo doortay, waxaa ka mid ahaa in mid waliba odhan jiray oo ku ololayn jiray haddii isaga la doorto inuu Caasimadda Hargeysa ka dhigi doono mid bilic la saaxiib ah, isla markaana nadiif ka ah qashin, fool-xumo iyo nadaafad-darro. Waxaanay ka sinnaayeen weedho macno ahaan isugu soo ururaya inay wax badan ka qaban doonaan horumarinta Caasimadda, horumarinta adeegyada bulshadu u baahan tahay iyo curinta adeegyo bulsho oo ay tilmaami jireen inay meesha ka maqan yihiin, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo inay cashuurta shacabka laga qaado wax ugu qaban doonaan.

Hase-yeeshee, waxaas oo dhami waxay u muuqdaan kuwo meesha ka baxay oo aan weli jawaabtoodii laga haynin 25-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka, marka laga reebo Maayerkii ugu horreeyey ee ay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa loo doortay 28 November 2012 ay iska dhex-dooraan Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo wakhti laba bilood ka yar xilkaas markii uu hayey Geeriyooday Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyee, isaga laguma dhex-qiimayn karo Xildhibaannada hadda jooga oo Illaahay-ba kuma simin, balse Booskiisii waxa buuxiyey Mudanihii ugu soo codka xigay Xisbiga laga soo doortay ee KULMIYE oo isaga lagu dhex-qiimaynayo Mudanayaasha kale.

Sidoo kale, waxa meesha ka baxday oo aan muuqannin illaa hadda filashadii dadweynuhu ka dhawrayeen iyo is-beddelkii la filayey inay samayn doonaan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo u badan Rag dhalinyaro ah, kuwaasoo taa beddelkeeda u muuqda kuwo shaqo-tag ah, isla markaana ku mashquulay sidii ay hanta uga abuuran lahaayeen Golaha Deegaanka ay Codka Shacabka Hargeysa ku yimaaddeen.

“Walaallayaal haddaad aniga I doorataan Hargeysa waxay u ekaan doontaa Caasimadaha dunida, laguma dhex-arki doono Xashiishka Suuqa iyo gees kasta oo magaalada ah tuulan ee caafimaad-darradu ka dhalanayso.” Weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen erayadii uu ku ololayn jiray Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne).

Waxa kale oo ka mid ahaa Weedhaha aan xasuusta dadweynaha reer Hargeysa ee waqtigaa joogay ama warbaahinta kala socday ololihii doorashada kuwan soo socda: “Laguma arki doon Ey-da magaalada Suuqyada wadhan ee magaalada meel walba ka buuxa iyo Riyaha, Lo’da iyo Dameeraha bilic-darrada ku haya Caasimaddeenna, haddaad I doorataan, waxaan ballan-qaadayaa inaan wax badan ka qaban doono musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta. Cashuurta Hooyooyinka laga ururinayo ee jeebadaha dadka gaarka ah ku dhacdaa inaan wax idiinku qabto ayaan ballan-qaadayaa.”

Qormadeenna Faaqidaadda Shabakadda Aftahannews qaybteeda labaad intaas ayaannu maanta ku soo koobaynaa, hase-yeeshee, waxaannu Akhristayaasha Aftahannews u ballan-qaadaynaa inaannu si taxane ah ugu soo gudbin doonno Xildhibaan kasta oo ka mid ah 25 Mudane ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ballan-qaadyadiisii ololaha iyo mid waliba tallaabada uu qaaday markii la doortay ka dib iyo weliba sida ay u noqdeen dad Shaadhkooda la ciyaar ah oo aan xasuusnayn hadalladoodii shalay iyo himilada shacabku ka-lahaa ee ay codkooda ugu soo saareen mid mid iyo guud ahaanba waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa qormooyinkeenna dambe.

La Soco qaybta saddexaad ee Faaqidaadda Qorayaasha Shabakadda Aftahannews.

Aftahannews.com

Email.nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.