Siciid Gurraase: Tiir Ka Baxay Bahda Saxaafadda Somaliland

Hawaas(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Siciid Ismaaciil Gurraase oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah oo ee Bahda Warbaahinta Somaliland, isla markaana Wargeyso badan oo Hargeysa ka soo baxa Tifaftire ka soo noqday, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hawaas ee duleedka Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo shalay loo qaaday, ka dib markii maalmo ka hor uu dhiig madaxa kaga furmay, isla markaana Hargeysa waxba lagaga qaban kari waayey dalkaas loogu qaaday si loogu soo daweeyo.

Marxuum Siciid Gurraase12

Alle ha u naxariistee Wariye Siciid Guraase, oo hadda ka mid ahaa bahda Wargeyska Waaheen, ayaa waxa afar maalmood ka hor madaxa kaga furmay dhiig, waxaanu saddex maalmood yaallay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, balse shalay ayaa loo qaaday magaalada Addis Ababa, waxaanay Illaahay amarkii caawa ku geeriyooday Hawaas oo ka sokaysa Addis Ababa, isagoo markii uu diyaaradda qaban-waayey Hargeysa lagaga qaaday Khamiistii Shalay Ambalas maaddaama oo uu ku xidhnaa qalabka neefta ee Ogso-jiintu.

Wariye Siciid Guraase, ayaa ka mid ahaa bahda Saxaafadda Somaliland muddo dheer, waxaanu ahaa Weriyayaasha rug-caddaaga ah ee Saxaafadda muhiimka u ah, waxaanu muddadii dalka lagu soo noqday ka soo shaqeeyay Wargeysyada Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xog-ogaal iyo Himilo oo uu dhawaan bilaabay.

Allaah ha u naxariistee, Marxuumka ayaa lagu wadaa in Berrito Meydkiisa la keeno magaalada Hargeysa si loogu aasi doono haddii Illaahay yidhaahno. Waxaannu Illaahay uga beryeynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Guud Ahaanba Baxda Saxaafadda Soomaalida ee uu ka baxay..Aammiin…Aammiin….Aammiin.

Innaali-laahu wa-innaa-ileyhi Raajucuun.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.