Madaxweyne Siilaanyo oo markii ugu horreysay ka hadlay is-beddelka Siyaasadeed ee Puntland

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ka dhacday Arbacadii inna dhaaftay, taasoo lagu soo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Maamulkaas oo Baarlamaanku soo doortay.

IMG_0610

abdiweli_Cameey2

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo isbeddelka Siyaasadeed ee Maamulkaasi ku tallaabsaday ee sida nabadgelyada ah u dhacday, waxaanu Hambalyo u diray u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Puntland oo uu talo koobanna u jeediyey.

Waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sidaa ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, isagoo u sii dhoofayey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu safar shaqo ku tegay maanta, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha dawladda Itoobiya sida uu sheegay Md. Siilaanyo.

“Sida laga wada warqabo Maamul-goboleedka Puntland waxa ka dhacay is-beddel Siyaasadeed, oo ah dhinca hoggaankiisa, waannu soo dhaweynaynaa is-beddelka ku dhacay sida nabadgelayda ah, waxaanannu u hambalyeynaynaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ee la doortay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu u rejeeyey Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu xil-weyn iska saaro xoojinta iyo adkaynta nabadgelyada oo uu sheegay inay muhiim u tahay jiritaanka Bulshada, waxaanu yidhi; “Waxaannu rejeynayanaa in nabadgelayda uu xil weyn iska saaro, waayo? Waxay muhiim u tahay bulshada.”

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Silaanyo sidan oo kale uga hadlo is-beddelka Siyaasadeed ee ka dhacay Puntland ee lagu soo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee shanta sano ee soo socta hoggaanim doona Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Somaliland iyo Puntland, waxa ka dhexeeya muran la xidhiidha dhinaca Xuduudaha iyo deegaannada qaarkood, kuwaasoo marar badan dagaallo ku dhex-mareen labada dhinac, hase-yeeshee, ay Somaliland dhulka lagu muransanaa intiisa badan sannadihiii u dambeeyey ay gacanta ku haysay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.