Magaca Siyaasi Reer Somaliland ah oo la filayo in loo magacaabayo Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo illaa shalay laga dhawrayay inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo magacyada Golaha Wasiirrada Xukuumadda dhismeheeda looga fadhiyo, ayaa la sheegay in la filayo inuu Raysal-wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka arrimaha dibedda u magacaabo Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

YUUSUF-GAYDH

Siyaasi Yuusuf Gaydh ayaa ka tirsanaan jiray Baarlamaankii Xukuumaddii lagu soo dhisay Imbagaati ee Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa, ayaa sannadkii 2007 ku biiray koox la baxday Baarlamanka Xorta ah, kuwaasoo ka dagay Caasimadda Eriteria ee Asmara halkaas oo ay ku aasaaseen Isbahaysiga dib u Xoraynta Somalia ee ka soo horjeeday xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa iyo joogitaankii Ciidamada Ethiopia ee gudaha Somalia.

Yuusuf Gaydh oo ka soo horjeeday Madax-bannaanida Somaliland, ayaa ku soo noqday Hargeysa 16 February 2008 kadib markii uu codsi cafis ah uu usoo qortay xukuumada Somaliland taas oo uu ka dalbaday in la saamaxo.

Sannadahan dambe, Yuusuf Gaydh waxa uu Ingineer ahaan ugu shaqayn jiray mashruuc biyood samafal ah oo dawlada Imaaraadku ka waday dalka Koonfurta Sudan oo uu ka madax ahaa Ingineer Cabdiraxmaan Cali Ducaale (C/raxmaan Juudi).

Yuusuf Gaydh waxa uu ka dhoofay magaalada Hargeysa saddex cisho ka hor isagoo ku sii jeeda dhinaca caasimada Somalia waxaana madaarka Xamar ku soo dhaweeyey siyaasiga caanka ah General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) kaas oo warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday sanadkii hore ay ku tilmaantay inuu hawlo dhinaca sirdoonka ah dawlada Eriteria uga hayo magaalada Muqdisho.

General Jaamac Maxamed Qaalib oo Yuusuf Gaydh ay ku wada jireen Isbahaysiga kor ku xusan ee fadhigiisu Asmara ahaa ayaa 19-kii sannadood ee u dambeeyey intooda badan waxa uu ku sugnaa magaalada Xamar, hase yeeshee labadii sanadood ee u dambeeyey waxa uu dhawrkii biloodba socdaalo gaaban ku imanayey caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Ilahaasi waxa kale oo ay sheegeen in Jaamac Yare kaambayn adag u galay sidii jagadaa Raysal-wasaare ku xigeenka loogu magacaabi lahaa Yuusuf Gaydh oo ay wadaagaan ku talax-taga mucaaridada madaxbanaanida Somaliland isla markaana in Generalku ka ololeeyey sidii aanay jagadaa u qabteen shakhsiyaad uga faraqabow xaga Somaliland sida Ismaaciil Buubaa iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Xukuumaddii Saacid ee dhacay ka ahayd Raysal Wasaare ku xigeen iyo Wasiir arrimaha dibedda ka ahayd.

Xigasho Wargeyska Haatuf.