Doorashada Puntland oo saacado ka hadhsan yihiin, Tirada Musharrixiinta ugu cadcad iyo wararkii u dambeeyey

Garoowe(Aftahannews):- Diyaaar-garawga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo saacado ka hadheen, qabsoomaysana Arbacada Berri, ayaa maaanta gelinkii dambe illaa caawa si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas, isla markaana waxa aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaas oo ay ku sugan yihiin 21 Musharrax oo Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka u taagan.

MUSHARRIXIINTA LIXDA AH EE UGU CADCAD

Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo isu-socodkooda ayaa la joojiyey lixdii fiidnimo ee xalay, iyada oo aan caawa lixdii laga bilaabo magaalada lagu dhex-arkaynin gaadiidka dadweynaha iyo ka dawladda, marka laga reebo kuwa dhaqdhaqaaqa haysa ee Cidammada ammaanka iyo kuwa la midka ah. Magaalada Garoowe ayaa iyaduna dad la ciirciiraysa oo aad u cammiran, isla markaana aan caawa lagu kala seexan intii badnayd.

Doorashada Madaxweynaha waxa u tartamaya 11 Musharrax, halka jagada Madaxweyne Ku-xigeenkana ay u tartami doonaan 10 Musharrax, sida ku cad liiska Magacyada Musharrixiinta ansaxday ee ay Guddiga doorashada Puntland shaaciyeen Isniintii toddobaadkan. Hase-yeeshee, lix xubnood oo kala ah saddex Musharrax Madaxweyne iyo saddex Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen, ayaa lagu soo warramayaa inay ugu cadcad yihiin guud ahaan Musharrixiintaas.

Weriye Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka mid ah Weriyeyaasha arrimaha doorashada u tagay Puntland, ayaa caaw Shabakadda Aftahannews.com u xaqiijiyey inay hadal-haynta ugu wayn ee caawa ay ka jirtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland yahay Musharrixiinta ugu cad-cad ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Kuwaasoo uu ku sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo jagadaas mar kale u taagan, ku-xigeenkiisuna Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Musharrixiinta kale ee sida weyn loo hadal-hayo waxaa ka mid ah Sida uu Weriyuhu sheegay  Musharraxa jagada Madaxweyna u taagan Cali Xaaji Xuseen Warsame iyo Ku-xigeenkiisa oo ah Dr. Maxamed Xirsi Ducaale. Hadal-haynta Musharrixiinta kaalinta saddexaad ku jira waxa weeye Musharraxa Madaxweynaha Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo ku xigeenkiisuna yahay Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar.

Inkasta oo Musharrax weliba u muuqdo inuu ku dedaalayo inuu noqdo ka guulaysta. Haddana, shalay galab illaa xalay si weyn ayaa loo kala baxay. Waxaanay Musharrixiinta mid weliba garan karaa tirada Xildhibaannada Baarlamaanka ee uu codkooda heli karo. Hase-yeeshee, haddana ololuhu ma istaagin ee waa soconayaa illaa maanta inta aan codaynta la bilaabin. Balse tirada Musharrixiinta ugu cadcad waxa lagu sheegay lixdaa Musharrax ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Musharraxa ugu cad-cad ayaa lagu sheegay inuu yahay Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, Musharraxaas oo la sheegay inuu isagu haysto tirada Codadka ugu badan ee Musharrixiinta Madaxweyne Ku-xigeenka, taasoo la sheegay inay u sahashay inuu yahay nin aqoonyahan ah, isla markaana magac ku leh dhinacyada deegaannada ay degaan Beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen.

Isaga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle, isla markaana reer Abtigii yihiin reer Garoowe, sidaa darteen-na uu helay taageero labada dhinac-ba ah, maaddaama oo Baarlamaanka Puntland ku yimi hab-beeleed, sidoo kalena ay Xildhibaannada Baarlamaanku ay dooranayaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa shanta sano ee soo socda Puntland hoggaamin doona.  

Si kastaba ha ahaatee, waxay wax waliba sida Cadceedda u muuqan doonaan saacado ka dib maalinta Arbacada Berri ah oo lagu kala calaf-qaadayo doorashada Madaxtinnimada ee Puntland oo ay Baarlamaanku dooranayaan, waxaana labada Xubnood ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka loo doortaa xilka Maamulkaas hayn doonaan shanta sano ee soo socota.

Musharrixiinta u tartamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ayaa mid waliba maanta khudbad ka hor-jeediyey Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, isla markaana ka warramay haddii la doorto waxa uu qaban doono Puntland, iyaga oo Cabdiraxmaan Faroole mooyee intooda badani ku soo halqabsanayey inuu soo celin doono gobolka Sool iyo deegaanno kale oo ay ku doodeen inay Somaliland xoog ku haysato, isla markaana Maamulka Puntland ee Madaxweyne Faroole dayacay.

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.