“WADDANI Waxaan leeyahay waxa Talinaysa Cidda Ummaddu Aammintay…” Waraysi Jaamac-Shabeel

“Danbaa la mooday sidan iyo inay doorkan iska nastaan Xisbiyada Mucaaridku…..Markaa, qolada WADDANI waxaan leeyahay suga maalintiinna oo haddii ummaddu talada idiin dhiibato idinna waxba  ha ka siinnina cidna…..” Waraysi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbil-Xaakimka KULMIIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa si adag uga hadlay eedayn iyo dhalliil Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Sabtidii toddobaadkan u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga ay ka soo jeeddo, isla markaana sheegay inay Xukuumaddo doonayso inay la dhuumato wadahadalka lala galayo Soomaaliya.

Jaamac-Shabeel, ayaa ku dooday inay Xisbi ahaan haddii ay Xukuumaddu shirkaa tagto ku qanacsan yihiin oo ay isku mid yihiin, isla markaana aanay Xisbiga WADDANI u oollin inuu yidhaahdo wadahadalka waxa ka soo baxa kuma qanacsanin iyo waannu qaaddacnay. Waxaanu sheegay inaanay WADDANI ummaddu waxba u dhiiban ee cidda la aamminay tahay Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo, isagoo WADDANI u soo jeediyey inay siday doonaan ka yeelaan markay cidi wax u dhiibato ee talo lagu aammino.

Jaamac-Shabeel oo Waraysi Gaar ah shalay siiyey Shabakadda wararka ee Aftahannews.com sida Shabakaddaas xalay lagu baahiyey, waxa uu si adag uga hadlay arrimaha wadahadalka iyo dhalliisha Mucaaridku ugu jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo shirka wadahadalka oo lagu ballansanaa inuu Salaasada Berri ka furmo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uu dib u dhacay shalay, isla markaana Ergada Somaliland shalay ka bixi lahayd baaqdeen, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya codsatay in dib loogu dhigo shirkaas illaa 15-ka bishan aynu ku jirno.

“Horta, waxa laga hadlayaa waa masiir ummaddeed, dan shaqsi iyo mid gaara toona maaha danta ummaddana cidbaa loo igmaday oo ay ummaddu kalsoonidooda siisay oo meteli karta kana hadli karta,ciddaasina waa Madaxweyne Siilaanyo cidda shirka innooga qayb gelaysaana waxay noqonaysaa oo kaliya hadba xubnaha uu Madaxweynuhu u xusho,markaa Xisbiyada Mucaaridku waxay ka mid yihiin Bulshada Somaliland ee uu Madaxweynaha u yahay Siilaanyo wax shirkaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uga furan mucaaridkuna ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac-Shabeel oo uu u sheegay Aftahannews.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel oo la weydiiyay in KULMIYE uu wadahadallada kala qaybgalayo Xukuumadda iyo inuu ula siman yahay Xisbiyada Mucaaridka ah, waxa uu ku jawaabay; “Hort meel ay laba ku kala yhiin Xukuumadda iyo KULMIYE ma jirto mana ogi oo Xukuumaddu waa Xisbiga KULMIYE, meeshana la isma wada garab yaacayo ee cidda Madaxweynuhu u xusho ayuun-baa tegaysa, Wasiirrada tegayaana waa KULMIYE. Markaa, Xukuumadda iyo KULMIYE waa mid keliya oo meel ay ku kala maqan yiiin ma jirto.”

Jaamac-Shabeel oo la weydiiyay sida ay u arkaan Xisbi ahaan qaaddacaadda uu Xisbiga WADDANI ku qaaddacay wax kasta oo ka soo baxa wadaadallada Somaliland iyo Soomaaliya la filayo inay bishan wada-yeeshaan ee markii saddexaad maanta (shalay) dib-u-dhacu ku yimi, waxa uu yidhi; “Horta, marka hore waxay qaaddaceen ee  ay gacanta ku hayeem ayaanan garaaynba qolada WADDANI, waxaanan leeyahay immika Shicib ayaad tihiin oo ummadda ayaad ka mid tihiin ee ummaddiinna ka mid ahaada oo ha iska soo dhex saarina. Wax talo ah oo gacanta idiinku jira oo la idiin igmadayna ma jirto, maanta waxaa talinaya ciddii ummaddu masiirkooda ku aammintay. Markaa, qolada WADDANI waxaan leeyahay suga maalintiinna oo haddii ummaddu talada idiin dhiibato idinna waxba  ha ka siinnina cidna.”

Guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige oo la weydiiyay sababta looga reebay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland,ayaa ku jawaabay; “Danbaa la mooday sidan iyo inay doorkan iska nasaan Xisbiyada Mucaaridku.”  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.