Maxaa khasbay inay Somaliland Qaddiyaddeeda Kala Hadasho Wasiirro Xukuumaddoodi dhacday?

Aftahannews Staff Writters… Waxaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ka furmaya maalinta Salaasada ee toddobaadkan qayb ka mid ah wejiga shanaad ee wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan Ergooyin kala metelaya labada dhinac.

Somaliland, ayaa wadahadalka ay la lahayd Soomaaliya doorkan waxay la yeeanaysaa xubno Ku-simayaal ah oo sii haya xilka Wasiirnimo, ka dib markii Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen ee Raysal-wasaare Saacid Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqday 2-dii bishii hore, kuwaasoo sii-hayeyaal ah inta la soo dhisayo Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo Raysal-wasaaraha dhawaanta la magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed.

1502033_632266723499774_1156488680_n

Durba waxaa wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya dib uga bilaabmaya ka biyo-diiday Xisbiga Mucaaridka ah ee Xukuumadda oo sheegtay inaanay Xisbiyadu ku wehelin doonin wadahadalkaas ee ay Xukuumad ahaan iyo Golayaasha Baarlamaanka Xubno ka socdaa Somaliland uga qaybgeli doonaan wadahadalka toddobaadkan furmaya. hase-yeeshee, WADDANI waxa uu arrintaa ku tilmaamay mid meel-ka-dhac ku ah Shacabka Somaliland, isla markaana ay Xukuumaddu la dhuumanayso shirkaas iyo ajendaha lala tagayo, wixii ka soo baxana ay iyadu Masuul ka tahay oo aan iyaga waxba laga weydiin, halka ay wadahadalladii hore kii ugu dambeeyey mooyee intii kale Mucaaridku qayb ka ahaayeen Ergada tagtay.

Haddaba, waxaa la is weydiin karaa waxa ku kellifay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay wadahadallada ay la galayso Soomaaliya la sugi kari weydo inta la soo dhisayo Xukuumadda cusub, isla markaana ay Qaddiyadda Somaliland ugala hadli weyday Xukuumad shaqaynaysa, halka ay immika soo hor-fadhiisanayso Siiyahayaasha xilka Wasiirrada Soomaaliya oo ka mid ahaa Xukuumaddii uu Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqday.

Waxaan la garanayn sida ay u shaqayn doonaan wax kasta oo ay isla gaadhaan Ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya oo kuwa Soomaaliya ka imanayaa yihiin Ku-simayaasha Wasiirrada Soomaaliya oo aanu immika shaqaynayn saxeexoodu, ee boosaskaa sii jooga inta xilka lagala wareegayo ama dib loosoo magacaabo.

Waxaa kale oo jiray tabashooyin Somaliland qabto oo ka dhashay inaanay heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalladii ka salaasada furmaya ka horreeyey ee sannadkii hore laba shir oo Turkiga ka qabsoomay lagu gaadhay, kuwaasoo qaarkood dhigayeen in dhinac kastaaba gaarkiisa ahaado inta la isugu imanayo wadahadallada xiga iyo in la iska daayo in Warbaahinta la iska weeraro, taasoo aanay waxba ka hir gelin, ka dib markii dawladda Soomaaliya ay sheegatay maamulidda hawada Somaliland, isla markaana ay Somaliland ka cadhootay, iyadoo dhacday in diyaarado oggolaansho ka haysta Muqdisho oo damcay inay Hargeysa ku soo degaan dib loo celiyay.

Haddaba, maxaa ugu jira Somaliland inay Qaddiyaddeeda kala hadasho xubno Ku-simeyaal ah oo aan awood lahayn? Waxa ka soo baxaase siday u shaqan doonaan kol haddii Wasiirrada Soomaaliya ee shirka ka qaybgalayaa ay yihiin kuwo aanay shaqaynayn Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen oo kalsoonidii lagala noqday? Ma dhaawici karaaan wadahadallo dambe oo dhex-mara Somaliladn iyo Soomaaliya?

Waa haddii ay dhacdo Wasiirrada Xukuumaddoodu dhacday haddii ay aqbalaan waxaan ka soo gu’in hoggaamnka Soomaaliya, iyagoo uga jeeda inay sii murgiyaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya kol hadday meesha ka bexeen.

Miyaan la odhan Karin Somaliland waxay markan qaddiyadeedii kala hadlaysaa cid aan waxba gacanta ugu jirin oo aan matalin Soomaaliya,innagoo ogsoon in marka horeba ay qalad ahayd in Qaddiyadda Somaliland lagala hadlo Dawlad aan ka iman shacabka Soomaaliya oo qol Muqdisho ku yaalla lagu doortay?

Mise Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayay jiraan wax ay ku dooratay inay Qaddiyadda ummadda Somaliland ee lagu aaminay inay kala hadasho sii hayeyaasha Wasiirrada Soomaaliya oo ay wax ku kala iibsanayaan dalka Turkiga?

Haddii ay shaqayn waayaan wax kasta oo shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya maalinta Salaasada dalka Turkiga siday mar kale isugu imanayaan labada dhinac ee ay isku soo hor fadhiisan karayaan?

Xalgal daac kasta iyo saamayn kasta oo uu shirkaasi ku yeesho Qaddiyadda dalka Somaliland waxaay masuuliyaddiisu saaran tahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, innagoo ogsoon in Madaxwynaha Soomaaliya uu dhawaan sheegay inay jireen wadahadallo hoose oo u socday Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasoo noqonaya haddii ay jiraan qaar qarsoodi ah oo aan la garanayn wax lagaga wadahadlay inkasta oo uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland beeniyey inay jireen shirar dadban oo labada dhinac qaab qarsoodi ah u yeesheen.

Dhammaan madmadawga iyo su’aalaha ku gedaaman shirka Salaasada u furmayay Muqdisho iyo Hargeysa waxaa dhabarka u ridan doonta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kol haddii Xisbiyadii Mucaaridkana durba uu mid ku gacan saydhay oo uu sheegay inaanay aqbalayn wax kasta oo shirkaa ka soo baxa.

Qorayaasha Shabakadda Aftahannews (Aftahannews Staff Writer).

Aftahannews.com

Tel NO: 0634421454

Email.nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.