“Waxaan ahay Qof nasiib badan, waxaan u malaynayaa in aan ahay Sagaal-Nafle…” Cali Khaliif Galaydh

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ka sheekeeyey dhacdooyin naxdin leh oo soo maray iyo goobo lagu hoobtay oo ALLAAH ka badbaadiyey

Nairobi/Muqdisho (Aftahannews):- Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo hoggaamiye u ah kooxda Somaliland-diidka ah ee la baxday Khaatumo, ahaana Raysal-wasaaraha Xukuumaddii Carta ee Soomaaliya, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin naxdin leh oo uu goob-joog u noqday iyo goobo lagu hoobtay oo Allaah ka badbaadiyey, waxaanu naftiisa ku tilmaamay mid nasiib badan.

CALI KHALIIF GALAYDH IYO AMIN-ARTS

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu ka sheekeeyey marar badan oo kala duwan oo ALLAAH ka badbaadiyey naftiisa dhimasho iyo weerarro dhawr ah oo lagu qaaday. Mr. Galaydh waxa uu sidaas ku sheegay wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaanu waraysigaas si faahfaahsan ugaga warramay sida uu Illaaha ugaga badbaadiyay halista soo foodsaartay xilliyo kala duwan.

Maalintii uu Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama qudbad ka jeedinayay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi, maalintii ugu dambeysay booqasho taariiqi ah oo uu ku tegey dalka aabihii uu asal ahaan ka soo jeedo, ayaa Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh waxa uu ku sugnaa Huteel Jazeera Palace Hotel ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Baabuur waxyaalaha Qarxa laga soo buuxiyay uu qof waday ku qarxiyay Huteelkaas.

Qaraxii ka dhashay weerarka Ismiidaaminta ahaa ayaa sababay in ay ku dhintaan 21 qof oo uu ka mid ahaa Diblamaasi u dhashay dalka Shiinaha, Konton iyo dheeraad kale oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jiraana way ku dhaawacmeen. Prof: Galaydh waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii ku sugneyd Huteelkaas waxaana ku soo dhacay burburka dhismaha Huteelka oo aad u burburay.

Waxaa kale uu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi 21-kii September 2013-kii, kaasoo ay ku dhinteen dad gaadhaya 67 Ruux, ku dhawaad laba boqolna ku dhaawacmeen. “Waxaan ahay qof aad u nasiib badan, waxaan u malaynayaa in aan ahay Sagaal Nafle.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif oo uu Khadka Taleefanka ugu sheegay Daily Nation, isagoo jooga magaalada Muqdisho.

Cali Khaliif oo 74 jir ah, ayaa degenaa Huteel Jasiira muddo bil ah, waxaanu qaraxu dhacay wax yar ka hor intii aanu ka guurin Huteelkaas. Weerarka lagu qaaday Huteel Jasiira, ayaa waxaa dadkii ka badbaaday ka mid ahaa Safiirka cusub ee dalka Kenya dhawaan u magacawday Soomaaliya Lucas Tumbo iyo tiro ka mid ah Shaqaalihiisa.

“Qarax weyn ayaa ka dhacay qolalkii xigey waddada garoonka diyaaradaha, dhulka ayaan ku dhacay. Waxaan arkay dhagax weyn oo lugta igaga dhacay, feedhahana igaga fadhiistay.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo ka warramayey Qaraxii Huteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho 26-ka bishii June 2015-ka. Cali Khaliif ayaa sheegay in uu muddo shan daqiiqo ah sugay, ka dibna uu arkay dhiig ka socda Xusulkiisa Midig iyo Gacanta Bidxeed.

“Waxaan ogaaday in halis badani aanay igu dhicin, maaddaama oo aanay wax laf ah I jabnayn.” ayuu hadalkiisa raaciyey Siyaasi Galaydh. Hase-yeeshee Dr Khaliif waxa uu xaqiiqsaday xoogga uu lahaa qaraxu markii uu tegey halka dadka lagu soo dhaweyo oo uu arkay Qaboojiye Dawooyin ugu jirey oo laba kala noqday.

Qaraxa ka dhacay Huteelka Jasiira, ayaa waxa uu soo xusuusiyay Dr Galaydh halistii kale ee uu ka badbaaday markii uu ku sugnaa Xaruntii Ganacsiga ee magaalada Nairobi ee Westgate. Isagoo markaa ka soo laabtay dalka Maraykanka ayuu Cali Khaliif waxa uu degenaa muddo bil ah Guri ku yaal Xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi. Waxa uu kula ballansanaa Rag ay Saaxibbo ahaayeen Westgate tobankii subaxnimo ee maalinta la weeraray.

Mid ka mid ah labada Ruux ee uu la kulmayay, ayaa ahaa Siyaasi Soomaaliyeed, halka kan kalaa uu ahaa Diblumaasi ka soo jeeda dalka Burundi, balse la shaqeeya AMISOM. “Waan quraacanaynay weliba quraac dambe oo waxaa ku dhawaa Duhurki markii aan maqlay qaraxa. Waxaan u malaynayaa in Bambaanooyin dadka lagu tuurayay, meel Darbi ah ayaan istaagay, Darbiga iga soo horjeedana waxaa taagnaa Asxaabtii aan isla joognay goobtaas. Wax yar ka dib waxaan arkay Miiskii noo dhexeeyay oo ay Mobaylo ((Taleefannada gacanta) saaran yihiin, qof walbana uu cararay.” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo ka sheekeynayay weerarkii Westgate Mall.

Cali Khaliif waxa uu sheegay markii uu arkay in la kala cararayo inuu Miiska hoos galay, maaddaama oo meesha uu keligii ku noqday. Markii uu arkay in qaraxyadu ay sii kordhayaan oo ay rasaasi meel walba ka dhacayso, ayuu sheegay inuu u cararay Suuli ama Musqul u dhaweyd, waxaanu halkaa ku arkay dad kale oo ku dhuumanaya sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay Prof: Galaydh in nasiib-wanaag uu halkaa ku yaallay albaab dibedda looga bixi karo, isla markaana uu kaas ka baxay, isagoo aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin. Hase ahaatee, waxa uu xusay inuu mardambe ogaaday ninkii Soomaaliyeed ee ay wada sheekeysanayeen in dhaawc fududi ka soo gaadhay weerarka, balse Dublumaasigii ka soo jeeday dalka Burundi la soo badbaadiyay Sagaal saacadood ka dib.

Wargeyska Daily Nation, ayaa Siyaasiga wareysiga uu siiyay Ciwaan uga dhigay; “Sagaal Nafle!” Waxaanu sidoo kale sheegay Siyaasi Cali Khaliif Galaydh in uu ka badbaaday weerarro kale oo ay ka mid ahaayeen kuwo ay Ciidammada Somaliland ku qaadeen Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo.

Xigasho Wargeyska Himilo.