“Tabtaasay innoo ahaanaysaa! Idinku taliya, aan wada-tashanno & aan kala tashananna ma oggola!” Cali-Guray

“Doorasho-diidku way dileen halka ay maanta maraysana fursadda in haba yaraato eh doorasho xor iyo xalaal ihi ay Somaliland ka dhici kartaa kama badan karto 10% halka 90% ay u badan tahay in aanay ka dhici karin….” Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray)

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ay ku burburtay rejo laga qabi karo in doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland, isla markaana ay arrintu marayso inaan wax xal ah aanay oggolayn keliya marka laga reebo inay talada maroorsi iyo awood ku sii haystaan illaa inta ay Jawaannada ka buuxsanayaan, ciddii ka hor-timaaddana taxaabayaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo ula jeeda Madaxda Xukuumadda talada haysa.

CALI MAXAMED YUUSUF (CALI-GURAY)

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray, waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu Ciwaan uga dhigay; “TABTAASAY INNOO AHAANAYSAA (Idinku taliya ma oggola, aan wada-tashano ma oggola, aan kala tashannana ma oggola); YAAB!”, kaasoo uu ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Bulshadu ku kulanto ee Facebook. Waxa uu si qoto dheer ugaga hadlay rejo la’aanta doorasho dalka ka qabsoonta iyo burburka soo waajahay dimuquraadiyadda, Xuquuqda Aadamaha iyo Xorriyatul-qawlka Somaliland oo uu sheegay inay burburkeeda Masuul ka yihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu.

Qoraalkaas uu Cali-Guray ku baahiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Facebook, waxa uu u dhignaa sidan:- “TABTAASAY INNOO AHAANAYSAA (Idinku taliya ma oggola, aan wada-tashano ma oggola, aan kala tashannana ma oggola); YAAB! Fursad kasta oo doorasho ay ku qabsoomi lahaydba Doorasho-diidku way dileen halka ay maanta maraysana fursadda in haba yaraato eh doorasho xor iyo xalaal ihi ay Somaliland ka dhici kartaa kama badan karto 10% halka 90% ay u badan tahay in aanay ka dhici karin wax doorasho ihi dalka iska daa 2015/16ka eh xataa 2017ka.

2018-ka ayaan lagu kalsoonaan karin laftiisa in Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay diyaar u tahay doorasho xor iyo xalaal ah. Marka ay sidaa tahay waa hubaal in la dilay xalkii doorashada oo weliba gacanta Madaxwaynaha Axmed-Siilaanyo lagu dilay. Haddaba, haddii uu dhintay xalkii doorashadu waxa is weydiin leh ma jiri karaa xal kale oo aan doorasho ahayn oo laga fekaraa?

Runtii illaa hadda ma muuqdo marka aynu ognahay bisayl la’aanta Garaadka Siyaasadda ee guud ahaan Shicibka dhoohan ee Somaliland iyo tamar yaraanta Xisbiyada Mucaaridka ah dabcan Xukuumadda inta ka talisaana way hawaysan karaan inay sidaa iyagu keligood taladii hoggaaminta Qaranka ku wada maroorsan karaan halkay iyagu doonaanna ay kala dhici karaan oy XADHIG IYO XABBAD ku muquunin karaan cid kasta oo isku dayda in ay rabitaan kooda ka hor timaado.

Waxay guul u arkaan oo dabcan iyaga u ah Guurti muddo xileedkeedii quufla dhamaaday oo xataa aan ka soo gudbin ee weli ku sii hadhsan marxaladii kala guurka ee qarankani wakhti hore ka soo gudbay, iyo wakiillo muddo xuleedkoodi dhamaaday oo dhawr iyo toban sanadood iska fadhiya hadana iska sii fadhiya, iyo Madaxwayne isagana muddo xikeedk kiisi dhamaatay oo ku qasban inu cid gaar ah danaheeda u joogo oo hadba warqad laga saxeexdo waxna aanu hogaamin. Waxa intaa dheer dimuqraadiyaddii iyo doorashooyinkii oo gabbal baasi u dumo iyo madax-bannaanidii Saxaafadda iyo xoriyatul-qawlkii iyo weliba Xuquuqdii Aadmigii oo iyaguna afka wada goosta.

Ayaan-darrada jirta waar bal idinkaa dawlad ahe innoo taliya oo xal keena ma oghola. Haddaba dalku wuu innaga dhexeeyaaye aan ka wada-tashanno marxaladdan adag ee uu marayo iyadana ma oggola. Dee haddaa aan kala tashanno eh nabadgelyo lafteedana ma oggola. Xaalkoodu markaa saw maaha tab-taasay innoo ahaanaysaa? Illaa wax waliba isku dhalaalo wax Somaliland la yidhaana uu wujuudka ka tirtiro, laakiin iyaga mid walba dhiisha buuxsado oo ka urursanayo inta ugu badan uu ka urursan karo oo wada milyan-dheer noqonayaan inta ugu dhaw ee ku xeeran Madaxwaynuhu bal inta kale ee Somaliland oo dhamina ay dambaska yihiin.

Ugu dambaystii haddii doorashadu ay xal ahayd xalkiina sidaa loo dilay rejedii ugu dambaysayna ay tahay taa indhaheenna oo shan ah uu Saleebaan-Gaal ku kala tegay sida muuqatana xal baaddiil ah oo kale oo muuqdaana aanu jirin, waxa aynu ka filannaa saw xal la’aantii doorasho-diidka ee inta badan ee hore aan ka digay uun maaha? Khasaaraha xal la’aantu ay Somaliland gaadhsiin karto cid qiyaasi karta maanta ma jirto!.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.