Daawo Hor-dhaca Dood Xamaasad badan oo dhex-martay Guddoomiye -yaasha UCID, WADDANI & KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI, UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa dood adag ka yeeshay waxa laga yeelayo waxa ka dambeeya 26-ka bishan June oo ku buuxda shantii sannadood ee xilka loo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi ee SOMALILAND AFTAHAN

Saddexda Guddoomiye ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaa dooddan u qabtay Telefeshinka STAR, waxaanay kaga hadleen dooddaas, khilaafka ka taagan muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay ee sannadka iyo tobanka bilood ah iyo weliba meel-maris la’aanta Heshiis ay Xisbiyada Mucaaradka oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo isku dhinac ahi gaadheen dhammaadka bishii hore ee May oo Guurtidu qaaddacday.

Haddaba, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hor-dhaca dooddaas oo ah mid aad u xiiso iyo xamaasad badan, waxaannu-se idiin ballan-qaadaynaa inaannu dooddaas oo dhammaystiran halkan Warbaahinta Aftahannews idiinku soo gudbin doonno haddii ALLAAH yidhaahdo INSHA ALLAAH. ee Daawasho wacan hordhaca dooddan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.