Sirtii Siilaanyo & Saleebaan oo Qaraxday + Guddoomiyaha Guurtida oo Muddo-kordhin Suuq madoow ah ku dhawaaqay oo illaa 2017-ka ah

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE SALEEBAAN-GAAL

Hargeysa(Aftahannews):- Sir ay si gaar ah isugu ogaayeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiye Saleebaan-gaal, ayaa qaraxday, isla markaana dibedda u soo baxday, ka dib markii Guddoomiyaha Guurtidu ku dhawaaqay Isniintii maanta muddo-kordhin uu sheegay in Golahahaasi u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo ka baxsan laba muddo oo heshiis lagu ahaa oo midkood hal sano tahay midina sannad, shan bilood iyo 15 cisho tahay.

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE SALEEBAAN-GAAL

AXMED-SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL

Guddoomiyaha Guurtida, ayaa ku dhawaaqay go’aan uu ugu yeedhay go’aan Gole, balse aanay Warbaahintu goob-joog ka ahayn halka loogu codeeyey, waxaanu sheegay in Saxaafaddu dibedda ka joogtay cod-bixinta Mudanayaasha Golaha Guurtidu ugu codeeyeen muddo-kordhin sannad iyo toban bilood ah, una dhiganta laba sannadood, taasoo la sheegay inay Siilaanyo iyo Saleebaan isla ogaayeen, balse ka baxsan sannadka ay hore u cayimeen in doorashada lagu qabanayo Komishanku, Xisbiyada iyo Qaadhaan-bixiyeyaashuna ku raaceen iyo in sannad badh 15 ka dhiman yihiin oo ay gadaal Xisbiyadu iskaga raaceen marka laga reebo WADDANI oo markii dambe ka biyo-diiday.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa qaaddacay go’aankan Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) Saxaafadda ugu akhriyey xarunta Golaha, markii sida uu sheegay in wax isla gaadheen Gole ahaan, isla markaana ku tilmaamay go’aan xaaraan iyo sharci-darro ah oo cid gaar ah loogu danaynayo, balse god madoow ku ridaya mustaqbalka iyo Sumcadda Qaranka Somaliland.

Talo-bixin iyo talo-soo-jeedin Guddi Goluhu u xil-saaray ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta wakhtiga laga dhigayo, ayaa Guddoomiyuhu sheegay inay talo u soo gudbiyeen, isla markaana uu Golaha Guurtidu taladaas ku go’aan qaatay, iyadoo aan lo ogeyn meel Goluhu go’aankaas ugu codeeyey.

Isla markaan, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Go’aanka Warbaahinta Guddoomiyaha Guurtidu u soo gudbiyey oo ay ku saxeexnaayeen isaga iyo labada ku-xigeen ee Golahaasi iyo Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo isagu Saxaafadda u akhriyey qoraalka go’aankaas, kaasoo lagu faahfaahiyey muddada la kordhiyey iyo qodobbada loo cuskaday, isla markaana lagu laalay muddadii hore ee ay Guddiga doorashooyinka Qaranku u cayimeen inay ku qabanayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Haddaba Golaha Guurtidu:

Markii  uu dhagaystay warbixintii Guddigga oo ay ku

ladhnaayeen fikradihii,aaraadii , iyo tallooyinkii

seddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka;

Markii uu qiimeeyey xaaladka , iyo duruufaha ka jira

Gobolladda  iyo Degmooyinka Bariga iyo guud ahaan

ba dalka JSL ;

Markii uu  lagama-maarmaan u arkay in ay ka suurto –galaan   Diwaan-

gelinta muwaadinka iyo cod-bixiyeyaashu

dhammaanba dalka JSL , si ay u suganto is- raacsananta

dhul ahaaneed iyo dad ahaaneedba ee

Dastuurku waajibiyay ;

Markii  uu   yaqiinsaday in go’aankii ay ku cayimeen

Koomishanku wakhtiga doorashadu u ahaa mid baalmarsan,waa

faqsanayna Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyago sammeeyay

muddo korodhsiimo anay awood sharciyeed u lahayn ;

Markii  ay arkeen in xeerkii hore ee doorashada ee Golaha

wakiiladu u ku dhaqankiisu ku ekaa doorashaddii

hore oo kaliya , illaa haddana anu jirin xeer u diyar

ah doorashada Golaha Wakiiladda, kaasi oo u baahan

wakhti, wada-hadal, is-qancin, iyo isu-tanaasul

dhinaca saami-qaybsiga oo hore moran uga taagnaa,

illaa haddana u ka taagan yahay;

Markii  uu    qiimeeyay xaaladka cimmilladda ee degmooyinka

Xeebaha dalka JSL iyo wakhtiga ku haboon inay doorashadu  ka qabsoonto ;

Markii  uu    si mugleh u qiimeeyay xaalaadka dhaqan/dhaqaale

bulsho, iyo nabadgalyaba, guud ahaanba , gaar ahaana

saamaynta dhaqaale ee colaadda ka oogan gacanka

cadmeed ay ku yeellatay ganacsigii Somaliland ;

Iyado     laga taxadirayo , dib- u dhac dambe oo ku yimaada

Doorashooyinkan iyo mudo kordhin soo noq-noqota

Iyo dhammaystir la’aan qabyooyinka taagan ;

Marku arkay Qoddobka 42aad faqradiisa seddexaad ee

Dastuurka Jamhuuriyada somaliland ;

Marku   arkay Qodobka 83aad faqradiisa 3aad iyo 5aad e

Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Isago  ka duullaya , tix galiyeyna , kuna go’aan qaatay

dhammaanba asbaabaha kor ku sheegan, kuna cad;

Wuxuu soo saaray Go’aamaddani:

  1. Muddo korodhsiimooyin.

            1-  Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman

warqadda lambarKDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo

baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay

waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad

oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin

doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku   

   xigeenkaiyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada

   42aad iyo 83aad ee DastuurkaJSL .

2- Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka    

   Madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo

ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

4Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib (one year after) dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .

5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladduwaxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Dalka Jamhuuriyada Somaliland .”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.