Faysal Cali Waraabe oo Khudbad Qiiro iyo wax-ku-qaadasho leh u jeediyey Golaha Guurtida Somaliland

FAYSAL CALI WARAABE

“Waxaan ahay intiinna halkaa fadhida ninka qudha ee dalkaa ugu dheefta yar, Mushahar kama qaato, Guri kuma lihi, Dhul kuma lihi, Carruurtayda waad ogtihiin oo qaar baa Jabhadaha Suuriya galay…”

“Haddaad maanta iga diiddaan arrintaa, Anigu Somaliland waan ka tegayaa, ma doonayo inaan taariikh xun ka qaybgalo oo la yidhaahdo yaa muddakar ahaa markay Somaliland ay qaska gashay…” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

FAYSAL CALI WARAABE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad dheer, isla markaana dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey Mudanayaasha Golaha Guurtida Somalilnad, taasoo uu ku tusaaleeyey xaaladda dalku marayo, qorshayaasha cadawga Somaliland, sida loogu baahan yahay in danta guud iyo wada-jirka ummadda loogu midoobo, loogana badbaado qas iyo qalalaase uu dalku galo iyo nooca go’aanka Guurti ahaan looga baahan yahay inay ka qaataan muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay u samaynayaan sida la filayo toddobadkan.

Faysal Cali Waraabe waxa uu si qiiro iyo murugo leh uga warramay sida uu u yahay qofka ugu dheefta yar dalka iyo sida markasta oo uu tanaasul Qaran iyo wanaag sameeyo loogu ceebeeyo ee loogu dacaayadeeyo inuu lacag qaatay iyo sida uu markasta ugu darban yahay danta Qaranka.

Waxa uu sidaa ku sheegay Guddoomiyaha UCID mar ay shalay Guddiga Guurtida ee ka soo talo-bxinta wakhtiga muddo-kordhinta loo samaynayo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay shalay isaga iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi la kulmeen, balse uu Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ay marka hore isku qorshe ahaayeen ka baaqday markii warar ka soo baxeen dhinaca Guurtida.

Khudbaddaas Faysal u jeediyey Guddiga Guurtida oo dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana taariikhi ah, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa qaybta Raadyaha AFTAHANNEWS ama qaybta codadka, waxaanad ka dhegaysan kartaa ama kala degi kartaa codkaas oo dhan Liidka Madawga ah ee qoraalkan ka hooseeya, dhegaysi wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.