“Horta ma dafirayo oo musuqmaasuq wuu jiraa, waanu sii socon doonaa, waana aafo ..” Muuse Biixi

GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

“Dibu dhaca doorashadu waxay dhex-taalay labada Waaxood ee Fulinta iyo Sharci-dejinta, ma garanayo waxa midna eedda loo saaro midna aan loo saarin” “Somaliland saddex cudur baad mooddaa inay dawladda u fahantay oo aynu u ciil-qabnay, tusaale ahaan Suldaan, Guddoomiye, Wasiir, Gobol ama Degmo.” Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbixyay xaaladda guud ee dalka, safar ay dhawaan masuuliyiinta Xisbigaas oo uu hoggaaminayey kusoo mareen qaar ka mid ah gobollada Bari ee dalka. Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhalliilaha ay Axsaabta Mucaaradku ujeediyaan Xukuumadda, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo dhawaan khilaaf labada dhinac soo kala dhex-galay u is-taagay iyo qodobbo kale.

muuse biixi

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa sidoo kale soo dhaweeyay fulinta qisaastii dhawaan ay Somaliland ku dishay lix qof oo hore dilal kala duwan dalka uga gaystay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaqa kasoo yeedhay waddamada midaw Yurub oo cambaareeyay falkaas.

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya natiijada safarkii masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay ku tageen gobollada bariga, waxaanu yidhi; “Gobolladaa waxaannu kusoo aragnay nabad guud, waxa ka jirtay kaliil kulul, inkastoo meelaha qaarkood uu roob ka da’ay, waxaanu kusoo aragnay dad wanaagsan oo qarankoodana u dedaalaya, noloshana la dedaalaya oo mid weliba hawl haya, mid xoolo dhaqaya, mid beer falaya, mid wado samaynaya dad aad ugu mashquulsan danaha qaranka ayaanu soo aragnay, isla markaana is-ogol oo dhexdoodana nabadi ka jirto, badankooduna taageersan xisbiga Kulmiye.”

 “Ujeedada socdaalku waxay ahayd hawl maalmeedka xisbiga, waxaanu soo eegaynay xafiisyadiisii wixii naga qabyo, waxa soo dhaw waqtigii doorashada ama bisha June ha noqoto ama xilli ka dambeeya ha noqotee, waxaynu galnay xilli doorasho, markaa waxaanu soo xidhaynay suumankayagii xisbiga, xafiisyadayadii, taageerayaashayadii, hadday tahay talo iyo xisbi dhisid, waxaanu ugu diyaar garoobaynay hawlaha soo socda.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse oo waraysi siiyey Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews.com shalay.

Muuse Biixi, ayaa iska fogeeyay eedo ay Mucaaradku Safarkiisa ku dureen, kuwaasoo sheegay inuu ahaa socdaal olole ah, waxaanu yidhi; “Horta erayga ololaha waa la macneeyaa, haddii erayga si fiican loo dhigo macnihiisa oo xeer uu leeyahay loo sameeyo waxa la eegayaa in xeerkii laga gudbay iyo in kale, horta imika waqti doorasho maaha, doorashadana waxa muddeeya komishanka, way kala duwan tahay xisbiga socdaalkiisa iyo ololihiisu, way isu ekaan karaan oo markasta oo uu xisbigu socdo, wuu hadlayaa, laakiin anagu imika wax olole doorasho ah ama hebel baa noo sharaxan ee doorta midna maanaan gelin. Dadka waxaanu kala hrayaaadlaynay xisbigeenii maxaa inaga dhiman? Maxaa inaga xun? Maxaa inoo wanaagsanaaday afartii sanno? Kamaanaan hadlayn fagaareyaasha laga ololeeyo, khudbadahayaguna may ahayn qaar olole, waxaanu ka hadlaynay uun xafiisyada uu xisbigu leeyahay, isu soo baxyo ay taageerayaashayaduna.”

Waxa kale oo uu sheegay inay safarkaas kusoo ogaadeen xaalado badan oo ka jira dalka, kuwaasoo uu xusay inay u gudbin doonaan xukuumadda si ay wax uga qabato, waxaanu yidhi; “Waxaannu kasoo ururinay xogo badan, xukuumaddana waxaanu u sidnaa warbixin weyn, waxyaabaha ay dadku tabanayaan, hawlaha u yaalla ee qabyada ka ah ee ay tahay inay wax ka qabtaan, mar walba xukuumadda waa loo cabanayaa mar wada dabooli karaan baahida dadka way dedaalaan, markaa xukuumadda kolay waanu u gaynaynaa warbixinteeda, waxa u weynaa laba arrimood ooh awl qaran ah, kuwaasoo u baahan in si wada-jir wax loo qabto, ka koowaad waa dhulka la ootay, xoolo dhaqato ayaynu nahay xoolihiina dhulkii waa laga ootay, Somaliland maanta ma jirto meel banaani buurta dhakadeedii ayaa la ootay oo dooxii ayaa la ootay, dadkii reer miyiga ahaa ee xoolaha hayay, xoolihii meel ay ku dhaqaan ma haystaan, waa arrin Somaliland daraf ilaa daraf khusaysa, waxay u baahan tahay siyaasad qaran oo arrintaa lagaga hortagayo.”

“Xukuumadda waannu u gudbinaynaa, madaxweynahana waanu kala hadalnay, cid kastana waanu kala hadlaynaa, waana arrin ina wada khusaysa. Arrinta labaad waxa weeye dalkeena waxa kusoo korodhay biyo la’aan, barigii hore ee magaalooyinka la degay, magaalo kasta waxa la degay meel dooxa oo biyo leh, guud ahaan biyihii dhawaa way yaraadeen, marka laga reebo magaalada Burco oo ceelal badan laga qoday, isla markaana biyaheedu dhaw yihiin, inta kale oo dhan laga soo bilaabo Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Caynabo, Ceerigaabo iyo Laascaanood iyo inta degmo ee u dhexaysaba midna biyo ku filan ma haysato, markaa dadkiina magaalooyinka ayuu kusoo ururay, magaalooyinkiina biyo dheeraad ah ayay u baahdeen, baahida biyaha ayaynu u baahanahay inaynu fikir u helno, laba siyaadba waa inaynu yeelnaa, biyaha roobka waynu qaban karnaa iyo in ceelal la qodo. Arrinta saddexaad waa dhuxusha, markii ay shaqo la’aantii badatay, dadkii waxay ku jeedsadeen dhirtii, dhuxushii waxay noqotay baayac-mushtar, magaalooyinkiina waxay u baahan yihiin waxay shitaan, tusaale ahaan Hargeysa waxa ku nool in ka badan hal milyan inta dhir ee ay maalintii shidayso waynu garan karnaa, dhirtiina ma beerayno.” ayuu yidh Muuse.

Waxaanu intaas ku ladhay; “Dadweynuhu waxay aad usoo dhaweeyeen oo ay ku farxeen arrintii qisaasta ee la fuliyay, waxaanay noqotay arrin nabadgelyadii wax ka tartay, waxaanan u arkaa inay tahay talaabo xaga fiican loo qaaday, waxa jira dawlado kasoo qaylyay, waan la yaabay runtii. Dawladda adduunka ku tidhaahda anagaa xuquuqda aadamaha aad u ilaalinaa waa Mareykanka, haddana iyadaa u dil badan. Qof dilay qof kale haddaan la qaban oo aan la qisaasin saw bari nin weliba nin dili maayo, marmar baan la yaabaa gaaladu markay yidhaahdaan yaan la dilin ee qofka jeelka halagu hayo, mida kale saw dad weliba diin malaha oo dhaqan malaha Illaahaybaa yidhi qisaasta noloshiinaa ku jirta, afartaa maalmood ee ka dambaysay qisaastaas la fuliyay waa la kala nastay, hore qofku ugumuu haysan haddii wax dilo inay wax gaadhayaan.”

“Socdaalkaygu bariga uun ku koobnaan maayo ee galbeedkana waan soo maraya, laakiin galbeedku muuqaalka bariga oo kale yeelan maayo waa dhul dhaw oo maalin lagaga soo laaban karo, markaa degmo kasta waanu tagi doonaa, dalka xaaladiisa waanu soo qiimayn, dawladdu waxay qabatayna waanu soo qiimayn, dadka barnaamij ayaanu u qornay, waa inaanu soo waydiinaa, barnaamijka inta ka hirgeshay, waayo bari ileen cidda aanu codka ka doonaynaa waa dadkan uun, markaa waa inaanu soo hubinaa ballan-qaadkii halka uu gaadhay iyo inta naga dhiman.” ayuu yidhi Muuse.

Xukuumadda oo inta badan ay axsaabta mucaaradku u sibir-saaraan dibu dhac ku yimaada doorashada ayuu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ku sababeeyay inay tahay dibu dhac sharci oo xukuumadda iyo golaha wakiilladu wadaagaan, waxaanu yidhi. “Dib-u-dhacaa in badan baa laga wada hadlay, waa la is-waydiiyay yaa dib u dhigay? Haddii dawladdu dib u dhigtay, dawladdu waxay ka kooban tahay laba waaxood, fulinta iyo sharci-dejinta sharciyaddu labadooda dhexdooda ayay taalay, garanayo waxa midna loo saaro eedda, midna looga duwo, waxbaa inaga habsaamay inta la baadhay wixii inaga habsaamay lama odhan ciddaasaa eedda leh, laakiin waxa hubaal ah in sharciyadii la fulin lahaa ay ku habsaameen baarlamaanka iyo xukuumadda, annagu weliba waxaanu u aragnaa inay baarlamaanka ku habsaameen oo sharci kastaaba muddadii la doonayay inuu kaga soo baxo baarlamaanka laba-laab iyo saddex-laab ku habsaamay. Haddaba imika dibu dhicii wuu jiraa, bisha lixaad-na doorashadii dibbay uga dhacaysaa intay dib uga dhacaysana waxa goyn doonta guurtida, waana dastuuri ka dibna doorasho ayaynu galaynaa, markaa wax buuq ah oo laga buun-buuniyo garan maayo.”

Muuse biixi oo wax laga waydiiyay garabyada uu xisbiga Kulmiye u kala fadhiyo ayaa ku doodday inay ka mid tahay awooddaha ay xisbi ahaan dheeryihiin; “Horta annaga kuwaasi (xisbiyada mucaaradka ah) khilaaf naguma sheegi karaan, waxaanu nahay xisbi doodda oo dad badan oo wax wada doonayaa ku jiraan, xisbiyada waxa isugu yimaada dad dano iyo hammi leh, markasta xisbigayaga kooxo way jiraan, waanan ku hambalyaynayaa waayo waa mishiin shaqaynaya oo hawshiisii xisbinimo qabanaya, waayo xisbiga marka gudihiisa dood iyo dimuqraadiyadi ka muuqato ayay dibaddana ka muuqanaysaa, shirkayagii weynaa waanu qabsanay, musharaxana weli madaxweynihii ayaa jooga, isagaana noo taagan, waxaana si rasmi ah loo saari doonaa, marka ay komishanku iclaamiyaan ee ay yidhaahdaan musharaxiintiina keena. Xisbiyada kale goormay shir weyne qabsadeen? Goormay gole dhexe yeesheen? Tirada goleyaashooda dhexe waa imisa? Fulintoodu waa kuwee? Shirkii golaha dhexe goormay qabteen? Waddani marbaa la qabtay shir waxa la doortay guddoomiyihii, golihii dhexe iyo fulintii dibna looma bedelin. Dadkoo dhami waxay ka sheekeeyaan khilaafka Kulmiye, waxay ka sheekeeyaan Kulmiye siduu kooxaha u yahay, anigu waxaan u arkaa taasi inay tahay wixii ay dadku noo doorteen, fikradahayaga kala duwan, tartankayaga, ceebi waxay iman lahayd haddaanu ku kala tagno, Kulmiye weligiiba wuu dooddi jiray, waanu kusii dhismaa oo kusii xoogaystaa. Markaa xisbi nin keli ahi wado oo aan fulintiisa la aqoon oo aan golihiisa dhexe la aqoon oo aan ciddi ku dooddayn, ma xisbibaa? Anaga kaayagu kaasoo kale maaha, markaa waxaan leeyahay xisbiyada mucaaradka ah horta iyagu ha is-habeeyaa, anaga waa lana arkayaa oo weligayo ayaanu kusoo caano maalaynee, barnaamij ha keenaan, anagu barnaamij baanu la nimi oo lanagu doortay, kii labaadna waanu soo wadnaa oo maalinta la yidhaahdo tartan baa la galayaa waanu soo bandhigaynaa.”

Guddoomiyaha Kulmiye oo wax laga waydiiya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo lagu dhaliilo in hay’addaheeda uu hadheeyay musuq-maasuq baahsan ayaa kaga jawaabay dhaliishaas, waxaanu yidhi; “Horta ma dafirayo musuq-maasuq wuu jiraa, waanu sii socon doonaa, waana aafo haysata caalamka oo dhan, laakiin waanu la dagaalanay, hay’ad u gaar ah ayaanu samaynay, markaa inaanu la dagaalanay way jirtaa waana halkeeda, laakiin maanaan cidhib-tirin, waana in musuqa la dagaalankiisa la xoojiyaa, waxyaabaha keenayana waa in la yareeyaa oo la dersaa, markaa sababaha inaga musuqa inagu keenayaa way badan yihiin, qabyaaladdaa ka mid ah, faqrigaa ka mid ah, shaqo la’aantaa ka mid ah, aqoonta aynu dawladda iyo waxa dadka dhexeeya u leenahay baa ka mid ah. Tusaale ahaan fikir baa inagu ah, waxa dadka ka dhexeeya ciddina ma lehee intaada gooso ah, ma wanaagsanna, waxa ka mid ah haddii la yidhaahdo qofbaa wax cunay oo intaasoo xabsi ah ayaa loo dirayaa reernimuu u ekaanayaa oo culays siyaasi ah ayaa laga abuurayaa, waxa ka mid ah qofkii hadduu faqiir yahay oo aanu waxba haysan wax ka xaaraan ahiba ma jiraan, markaa duruufo badan baa jira.” 

Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray; “Waa in la hubiyaa oo haddii ay hantidii ummada dhaceen waa dembi, haddii maanta la qaadi waayo mar uun baa la qaadi xilligay doonto ha noqotee, waana waxaan kuu leeyahay musuqa waa lala dagaalamay oo hay’ad u gaar ah ayaa loo sameeyay, laakiin wax way dhaafi karaan, markaa waxa loo baahan yahay saxaafadda, dadweynaha iyo dawladdaba inaynu musuqa la dagaalano oo aynaan u arag in dawladdu cid u qarinayso musuqa, waana aafo dawladdaha dumiya.”

Xisbiga Kulmiye oo intii uu ololaha doorashada ku jiray ballan-qaaday inuu dhisi doono xukuumad tiro yar iyo kala duwanaanshaha dooddaas hore iyo xilligan ayuu guddoomiyaha Kulmiye u nisbeeyay culaysyo kaga yimi dhinaca shacabka, waxaanu yidhi; “Waxa jira qorshe aad gasho oo kuu socon waaya, waa run siddeedii sanno ee aanu mucaaradka ahayn waxaanu lahayn aynu yareyno, markii ugu horeysana waanu ku bilawnay, laakiin waxa jira barnaamij aad keento oo kuu socon waaya, oo dadkaagu kugu diido, hadda saw socdaal maan soo marin degmadaan tagaaba wasiir iyo wasiir ku-xigeen ayay doonaysay, markaa dadkan aad xukumayso ee kuu codeeyay rabitaankoodu marmar buu kaa adkaanayaa. Somaliland saddex cudur baad moodaa inay dawladda u fahantay oo aynu u ciil qabnay, tusaale ahaan Suldaan, Guddoomiye, Wasiir, Gobol ama Degmo, laba degmo oo isu muuqda ayaa doonaya inay laba gobol noqdaan, markaa qorshaha ah dawladda hala yareeyo waa ka saxda ah ee maamulku ku hagaagayo oo hadduu musuq galayo la kaantarooli karayo oo kaharash yar, waananu u talo-galnay sidaas inaanu yeelno, laakiin rabitaanka shacabka ayaa naga xoog batay.”

Guddoomiye KULMIYE waxa kale oo wax laga weydiiyey oo uu ka hadlay xidhiidhka iyo muranka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, waxaanu yidhi; “Anigu intaan ogahay hadalkaa madaxweynaha Puntland anigu waxaan maqlay khudbadii madaxweynaha ka hor inuu raali-gelin soo bixiyay, markan dambena hadduu madaxweynaha Somaliland ka hadlay anigu wanaag baan u arkayay oo dareenkii dadka la dejiyo, ninka wanaag sheegayna in xumaan loogu soo jawaabaa ma haboona, markaa qoladaa Puntland sidii ay usoo jawaabeen anigu sax umaan arkayn, waayo waxa laga jawaabaa wixii xun ee ku dhibaya.”

“Dadka Sool degaa way qaybsan yihiin    inta badani waxay raacsan yihiin Somaliland in kale oo diidan baa jira oo laba meelood u qaybsan qolo aaminsan Puntland oo hab beelnimo ah u raacsan. Waxa kale oo jira qayb dawladda Xamar ka dhisan raacsan, markaa saddexdaa fikradoodba Sool way yaalaan mana qarsoona, laakiin anigu waxaan qabaa in taageerada Somaliland aad u xoog badan tahay, waayo Laascaanood waa caasimaddii, markaa dadka reer Laascaanood badankoodu waxay raacsan yihiin Somaliland.” ayuu ku jawaabay Muuse.

Sidoo kale, Muuse Biixi oo gebo-gabadii ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo Maamul-goboleedyada ay samayso dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Wax saamayn ah inaguma laha Somaliland iyo Soomaaliya waxa u dhexeeyaa waa xadkii Isticmaarkii, wixii intaa la iskaga soo gudbaana waa faro-galin qaran, dadku waxay yidhaahdaan Somaliland lama ictiraafsana, waa la ictiraafsan yahay, waayo Afrika waxay ku dhisan oo caalamku isla ogol yahay, taasna may dumin Somaliland, markaa waxay ila tahay qolada Koonfurtu ama boqol madaxweyne ay samaysteen ama boqol gobol ha dhisteene waa inay ku ekaadaan intii uu Talyaanigu guumaysan jiray, haddii ay soo dhaafaan waa weerar qaawan oo caddaan ah, waynanu iska celin.”

Gunaanadkii waraysigan waxa uu ka hadlay Guddoomiyaha KULMIYE fashilaadda hadhaysay wadahadallada u socday sannadihii u dambeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Inay sii socdaan hal shardi ayuun baa ku xidhan, haddii kale way iska xidhnaan ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, qolada Soomaaliya haddii ay aqoonsan yihiin Somaliland inuu yahay qaran madax-banaan wada-hadalladu way sii socon, haddaanay taas ogolayn waxaynu isugu daalnaa ma yaallo, meeshana hal ujeedo ayaa taalla oo ah waynu kala faataxaysanee wexeena ma kala guranaa, haddii ay sidaa u maqlaan wada-hadalka waynu sii wadi, haddii kalena waa la iskugu yimaadaa ma jiro.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.