Marwada Madaxweynihii hore ee Puntland oo la dilay, Aas Qaran-na loogu sameeyey Garoowe

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdillaahi Cumar Camay, Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawlad-goboleedka Puntland, ayaa ka qaybgalay Allaah ha u naxariistee Aaska Xaaska Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuumad Aammina Abiib, ka dib markii uu dilay Wiil ay dhashay.

AASKA AAMINA

Marxuumadda, ayaa gelinkii dambe ee Khamiista maanta lagu aasay Qubuuraha magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Marxuumadda uu Wiilkeedu ku dilay, halkaas oo si heer dawladeed ah loogu aasay Allaah ha u naxariistee Marxuumadda. Sidoo kale, Aaskaas waxaa ka qaybgalay Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Madax-dhaqmeed, Siyaasiyiin, Culimo iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Waxaanu Cabdiweli Gaas oo ka hadlayaa yidhi; “Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo. Illaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ”

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamuulka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa Allaah Marxuumadda uga beryey inuu u naxariisto, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaanba Shacabka iyo Maamul-goboleedka Puntland.

Warka ayaa sheegaya in Aamina Abiib ay u dhimatay rasaas ka fakatay Qori la sifaynayey oo uu gacanta ku hayey Cumar Cabdraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, rasaastaasi oo ka haleeshay Madaxa sida la sheegay. Allaah ha u naxariistee Aamina Abiib waxay ahayd Xaaskii Labaad ee Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Ciidammada Ammaanka Puntland ee magaalada Garoowe, ayaa gacanta ku dhigay, isla markaana Xabsiga u taxaabay Wiilkaas uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland ee Hooyadii Rasaastiisu dishay, si ay u baadhaan qaabka uu u dhacay dilka Hooyadii iyo sida ay rasaastaasi ugaga dhacday ama uu ugu dhuftay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.