Daawo Dadweyne Cabasho culus ka muujiyey dhibaato Shirkadda Telesom ku hayso oo Dawladda Baaq u diray

Hargeysa(Aftahannews):- Dadweynaha ku dhaqan Xaafadda Goljanno oo ka tirsan degmada 26 June ee magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey dhibaato ay ku hayso Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, taasoo Guryohoodii ka dul-taagtay Taawarro saamayn Caafimaad oo ballaadhan ku yeelatay dadka Xaafaddaas, sida ay ku cawdeen Xubno u hadlay Xaafadda oo Haween ah.

ASTAAN-TELESOM-AH

TAAWARRADA TELESOM

Waxay Haweenkan cabashada Muujiyey oo la hadlay Telefeshinka STAR, sheegeen in Taawarrada Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ka dul-taagtay guroyohooda ay ku yeelatay saamayn ballaadhan oo caafimaad oo gaadhay heer ay xataa Hooyooyinka Uurka leh ee Xaafadda gashaa dhalin ilmo caadi ah ee ay dhiciyeen Dumar badani.

Haweenkan ku dhaqan Xaafadda Gol-janno degmada 26 June ee magaalada Hargeysa, waxay dawladda ka dalbadeen in ay uga gurmato dhibaatada Caafimaad ee saamaynta taban ku leh noloshooda iyo nolosha qoysaskooda ee ay Shirkadda Telesom ku hayso, iyagoo Shirkaddaasna ugu baaqay inay ka dul-qaado dhibaatada ay diriska uga dhigtay ama ay dul-furtay Biraha laliska Isgaadhsiinta ee Taawarrada loo yaqaanno.

Haddaba, Warbixin uu Weriyey Cismaan Axmed Cismaan oo tegay goobta laga taagay Taawarkaas Shirkadda TELESOM oo ay ku buuqsanaayeen dadweynaha reer Gol-janno ee ka cabanayey Birtaas, iyagoo ku dooday in ka sokow Haweenka dhiciyey ay Cudurro kale oo Faaliggu ka mid yahay dhaxal-siisay ama dhaxalsiin karto dadka ku dhaqan Xaafaddaas.

Warkan oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.