‘Mooyi goor uu jeclaaday! 15 Heesood ayuu ka sameeyey Jacaylka dhex-maray iyada!’ Qiso Xiiso leh

 Hargeysa(Aftahannews):- Muddo ku siman toddoba sannadood ah oo ay xidhiidh lahaayeen Gabadh ay is-jeclaayeen illaaa 15 Heesood ayuu u sameeyey Jacaylkooda iyo hadba heerka ama xaaladda uu marayey. Hees weliba heesta ay ka horreyso ayay ka jewi fiicnayd, heesiba heesta ay ka horreyso ayay ka farxad, kalgacal, ammaan iyo rejo fiicnayd. Heesiba heesta ay ka dambaysana way ka dareen-darrayd ama xumayd.

jacayl waaye

Abwaan Maxamed Muxumed Ducaale 15-ka Heesood ee uu u sameeyey ama ka sameeyey dareenka Gabadha xidhiidhka jacayl dhex-maray, ayuu ka sheekeeyey, sidoo kalena waxa uu ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee ay isla soo mareen Intantan oo uu markii ugu horreysay-ba isagu jeclaaday, iyaduna la qaadday. Isla markaana, midkoodba midka kale u ula dhaqmi jiray sida ugu wacan ama ugu habboon amaba ugu wanaagsan ee uu ula dhaqmi karo midka kale.

Waxa uu Hal-abuur Maxamed Muxumed Ducaale, Huwiyey Haweenayda xidhiidhka dhaw iyo dareenka jacayl dhex-maray Heeso badan oo uu ku ammaanayo dhaqankeeda, quruxdeeda, dabeecaddeeda, midabkeeda, muuqeeda, qaddarinteeda, sharafkeeda iyo Jacaylka uu u qabo. Kolba waxa uu Suugaantiisa ku salaynayey marba halka ay marxaladda xidhiidhka ka dhexeeyaa marayo.

Maxamed Ducaale, waxa uu sameeyey Heeso badan oo wada ammaan ah, oo wada farxad ah, oo wada raynrayn ah oo wada rejo wanaag ah. Hase-yeeshee, sidaa ay wax u bilaabmeen, wax uguma dhammaan, Xiise ayaa beeray xadantada Jacaylka, xilli welba heer buu marayey, xilli kasta oo ay isla soo qaateenna mid walba xaaladdiisa ayaa ku lammaanayd. 

Haddaba, Qisadan Silsiladda Jacaylka ah ee Abwaan Maxamed Ducaale, Suugaanta uu ka tiriyey, siduu ugu bilaabmay Jacaylku iyo natiijada uu ku dhammaaday-ba waxa uu uga warramay Suxufiga Sidiiq Maxamed Burmad oo ka tirsan Radio Hirad. Qisadaas iyo Sheekadii dhex-martay Sidiiq Maxamed Burmad iyo Hal-abuur Maxamed Ducaale oo aad u xiiso badan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybta AFTAHANNEWS/RADIO ama qaybteennan hoose ee Codka ah, waxaanad ka dhegaysan kartaa oo kaga bogan karta Liidkan Madawga ah ee Qoraalkeennan ka hooseeya ee dhegaysi habboon.:-

Kala Soco Aftahannews qaybo kale oo taxanaha Sheekadan Xiisaha badan ka mid ah…….:

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.