Wasiir Cukuse oo Amray inaan TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa laga baahin karin Heesaha Waddaniga ah &…. ee Abwaan Laab-saalax

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa amar ku bixiyey inaanay Telefeshinka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa ee ay dawladdu maamusho laga baahin karin wax Heeso Waddani ah iyo kuwo Jacayl ah toona, gaar ahaan Heesaha uu Hal-abuuray Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax).

KOOXDA XIDDIGAHA GEESKA IYO WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND CUKUSE

Wasiir Cukuse waxa uu Amarkaa bixiyey mar uu subaxnimadii Arbacada ee maanta isugu yeedhay Madax-qaybeedyada Baahinta gudaha iyo dibedda ee Telefeshinka Qaranka Somaliland, iyo sidoo kale Agaasimaha Barnaamijyada Radio Hargeysa, kuwaasoo la sheegay inuu faray amar ah inaanay Telefeshinka iyo Idaacadda Radio Hargeysa toona ka baahin karin wax hees ah oo uu sameeyey Abwaan Laab-saalax.

Inkasta oo la sheegay in Heesaha jacaylka ah ee uu sameeyo dhawaan si dadban looga joojiyey Warbaahintaas, haddana waxa u dambeeyye Heeso badan oo Waddani ah oo uu Laab-saalax sameeyey iyo kuwo ay sameeyeen Abwaaniinta Xiddigaha Geeska oo uu gebi ahaanba amray inaanay ka bixi karin Warbaahinta dawladdu Maamusho ee Idaacadda iyo TV-ga.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Aftahannews isku dayay inuu warkan wax ka weydiiyo fiidkii illaa saq-badhkii caawa, ayaanay noo suuragelin inaannu dhankiisa ka helno wax war ah labada Taleefan-gacmeed ee uu isticmaalo oo xidhnaa ama dembsanaa dartood, kuwaasoo aannu marar badan ka wacnay, balse mar walba demsanaa.

Geesta kale, qaar ka mid ah Masuuliyiinta Idaacadda Radio Hargeisa iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah naga siiyaan tallaabadan, hase-yeeshee, waxay qireen inuu warkaasi jiro oo uu Wasiirku amarkaas bixiyey, balse aanay rabin inay ka hadlaan ama wax war ah bixiyaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, ayaa bilo ka hor la sheegay inuu Mushaharka ka joojiyey Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana aan sababayn waxa uu kaga joojiyey. Balse, amray inaan wax mushahar ah laga siin karin Wasaaradda.

Abwaan Laab-saalax oo Aftahannews Khadka taleefanka wax kaga weydiisay jiritaanka tallaabooyinka la sheegay in Wasiir Cukuse kula kacay, ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu arrintaas wax war ah ka bixiyo, balse uu maqlay in Wasiirku amray inaan Heesihiisa laga baahin TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa, wax war ahna aanu ka bixinaynin xilligan arrimahaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse iyo Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa isku dhacay bishii Soonfureed ee sannadkii 2014-kii, ka dib markii ay Fannaaniinta Xiddiguhu Barnaamijyo Waraysi-faneedyo ahaa u duubeen Telefeshinka Qaranka Somaliland, markaas oo uu guud ahaan Barnaamijyadii Suugaaneed ee ay ka duubi jireen Xiddigaha Geesku Telefeshinka Qaranka iyo guud ahaanba Hees Fannaaniinta Xiddiguhu qaadayaan iyo waxay Abwaaniintoodu sameeyeen-ba uu ka mabnuucay inay ka baxaan TV-ga Qaranka.

Inkasta oo khilaafkaas ka gadaal laga heshiisiiyey Kooxda Xiddigaha Geeska ee uu Abwaan Laab-saalax Guddoomiyaha u yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cuksue, kaasoo fasaxay xayiraadda Baahinta Barnaamijyadooda uu ka saaray TV-ga fasaxay, isla markaana ay dib u bilaabeen Barnaamijyadii Suugaaneed ee ay u duubi jireen Telefeshinka Qaranka maaddaama oo ay Fannaaniin Qaran yihiin.

Hadana, waxay u muuqataa inuu khilaafkaasi mar kale soo laba-kacleeyey, isla markaana Wasiirku dhiniciisa dib uga huriyey maaddaama oo uu sabab la’aan ku mabnuucay in guud ahaan Heesaha Abwaanku ka baxaan Warbaahinta dawladda.

Heesaha uu Wasiirka Warfaafintu amray inaanan laga baahin karin TV-ga iyo Idaacadda dawladda, waxaa qaar ka tirsan Magacyadoodu yihiin sidan:-

Xornimo Sumad Leh– Hargaysoo Siraadan waan Sugayee

Gooni-isu-taag

Dhulkaagaa lagu Hodmaa-

Talo Maal–  Shisheeyaha ka maarmoo nabadaa ku mahadshoo ilaahay miciinsada

Dalkiinna u hura waxaad haysaan

Heesta Cashuuraha

Heesta Tahriibka

Heesta: Hankaagu Ha Dhaafa Reer Hebel-

Heesta Ciyaaraha iyo kuwo kale.

CabdiFataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.