Midawga Yurub & Britain oo Fashiliyey Qorshe ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Shir-guddoonka Guurtidu isla qaateen

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda Safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia iyo Midawga Yurub, ayaa Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland kala hadlay arrimaha doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee wakhtigoodii dib uga dhacaya, isla markaana waxay fashilyeen qorshe weli qarsoodi ahaa oo ay isla qaateen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, sida la sheegay.

Weftigan ayaa waxay si gaar ah canaan ugu jeediyeen Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha oo ay wax ka weydiiyeen qorshe la sheegay inay isla wadaan oo Madaxtooyada loogu kordhinayo muddo aan loo baahnayn inay iska sii fadhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu, muddadaas oo ila-wareedyo Aftahannews warkan ka helay ku sheegeen inay dhan tahay laba sannadood.

Hase-yeeshee, waxay Xubnaha Weftigani soo bandhigeen qorshe cad oo ay ku doonayaan inaanay doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ka dambaynin dhammaadka sannadkan 2015-ka, iyagoo caddeeyey sida la sheegay in keliya lix bilood muddo ku siman loo kordhiyo muddada, maaddaama oo ay farsamo ahaan lagama maarmaan u tahay muddo lix bilood ah in lagu daro waqtigooda oo ku dhammaanayey 26 June 2015-ka. iyaga oo Midawga Yurub oo ay Ingiriiska iyo dalal kale hormuud u yihiin bixiya 75%-kiiba kharashka guud ee ku baxa doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Somaliland.

DSC_0052

Weftigan oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Safiirka dawladda Britian u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Mrs Cat Evans, ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyey booqasho ku joogay Caasimadda Hargeysa ee ay Madaxda kala duwan kulammada  kula yeesheen Salaasadii maanta. Kulammadaas oo albaabbadu u xidhnaayeen markii ay soo idlaadeen waxa Saxaafadda war kooban ka siiyey Masuuliyiinta.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo markii uu soo idlaaday kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga dhex-maray Saxaafadda la hadlay, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka Weftigan, waxaanu sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga dhex-maray ahaa mid muhiim ah oo qodobbo doorashada iyo xidhiidhka khuseeya ay kaga wadahadleen.

“Waxaa maanta farxad noo ah Madaxweynaha oo halkan kula kulmay Wefti ka socda Ingiriiska iyo Midawga Yurub oo laba cisho magaalada innala joogay. Weftigaasi waxyaabo badan ayay Madaxweynaha ka wadahadleen, Shirkuna si wanaagsan ayuu noogu dhacay, waxaanannu u mahad-naqaynaa Weftiga na soo bookhday.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Sidoo kale, Xubnaha Weftigan Safiir Ku-xigeenku hoggaaminaysaa waxa uu la kulmay Shir-guddoonka Golaha Odayaasha Somaliland ee Guurtida. Shirguddoonka Guurtida ayaa Saxaafadda u sheegay in Weftigu weydiiyay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso iyo in kale, isla markaana ay iyagu isku dhaafiyeen dhinaca Guddiga doorashooyinka oo hawlaha doorashada shaqadoodu tahay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa ay Weftiga ka wadahadleen, waxaanu yidhi; “Weftigani Su’aal uun bay na waydiiyeen, su’aashuna waxay ahayd wakhtiga doorashooyinka, waxaanay na waydiiyeen inay doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacayaan iyo inay ka dib dhacayaan. Jawaabta aannu siinnay waxay ahayd; ‘doorashooyinka waxaa ku shaqo leh Komishanka Qaranka iyagaana go’aamiya wakhtiga ay qabsoomayso.”

Waxa uu ku dooday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidu in Weftigan ka socday dalalka Midawga Yurub ee Safiir Ku-xigeenka Ingiriiska u fadhida Addis Ababa hoggaaminaysaa, si dhaw ula socdo xaaladda Somaliland, isla markaana ay ka war-hayaan in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtigoodii ka dib dhacayaan oo aanay ku qabsoomaynin, maaddaama oo ay dunidu tahay mid inta badan iska war-haysa.

Ila-wareedyo ku dhadhaw Shir-guddoonka Guurtida, ayaa Aftahannews oo wax ka weydiisay waxyaabaha sida qotada dheer ay Weftiga iyo Shir-guddoonka Guurtidu ugaga wadahadleen kulanka ay maanta yeeshee, ayaa tibaaxay in Midawga Yurub iyo Ingiriisku muujiyeen walaac ay ka qabaan in Golaha Guurtidu go’aan aan loo baahnayn oo la xidhiidha dhinaca muddo-kordhinta ay samaynayaan ee ay awood ahaan u leeyihiin, kana dhigaan wakhti ka badan xilliga farsamo ee lagu qaban karo doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada ee aanay hadda suuragalka ahayn in wakhtigooda oo ahaa badhtamaha sannadkan lagu qaban karo.

Ila-wareedyada uu Warkan ka soo xigtay Aftahannews, waxay intaas ku ladheen, inay Xubnaha Weftigu si cad ugu sheegeen Golaha Guurtida iyo Madaxtooyadu inay xidhiidh gaar ah oo arrinta muddo-kordhinta la xidhiidha wadaan, iyaguna ka war-hayaan. Balse looga baahan yahay Guurtidu inay masuuliyad isasaaraan, isla markaana aan loo baahnayn in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada ee Somaliland ay dhaafto sannadkan bisha ugu dambaysa, sidaa awgeedna loo baahan yahay in waqtigaa farsamo ee lixda bilood ah inay kordhintooda ku saleeyaan Guurtidu.

Hase-yeeshee, wuxu warku intaas ku daray in Shir-guddoonka Guurtidu ku dooday inaanay iyagu kordhin doonin wakhti aan loo baahnayn, balse cidda doorashada iyo wakhtigeeda awood u lihi tahay Guddiga doorashooyinka Somaliland oo cayima xilliga ay qaban karaan doorashooyinka. Sidaa awgeed-na, iyagoo sharciyan shaqadooda ku tixgelinaya Guddiga doorashada ay keliya tallaabo qaadi karaan marka ay soo cayimaan muddada aan doorasho lagu qaban karin iyo xilliga lagu qaban karo, sidoo kalena u yimaaddo Gole ahaan Warqadda Madaxweynuhu ku caddaynayo soo jeedinta Guddiga doorashada inay is-waafajiyaan muddada ay u kordhinayaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku inay sii fadhiyaan xilliga ay caddeeyaan Komishanka doorashadu.

Guddiga doroashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lixdii bishan shaaca ka qaaday in diiwaangelinta cod-bixinta doorashooyinka ay bilaabayaan bisha toddobaad ee sannadkan, isla markaana hawsheeda dhammaystirayaan bisha 11-aad ee isla sannadkan. Taasoo caddaysay dib-u-dhaca doorashooyinka, maaddaama oo ay muddada xil-haynta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu ku dhammaanayo 26-ka June ee sannadkan 2015-ka, sharciguna dhigayo inaan diiwaangelin la’aan doorasho la geli karin sida lagu caddeeyey Xeerka doorashooyinka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) oo xiganayey dhawaaqa Guddiga doorashooyinka, ayaa Sabtidii toddobaadkan khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah oo uu ka hor-jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlmaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa, ku sheegay in Guddiga doorashooyinku muujiyeen in dib u dhac ku imanayo wakhtiga doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, balse ay Xukuumad ahaan ku dedaaleen dhammaystirka waxyaabihii looga baahnaa.

Hase-yeeshee, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa la sheegay inay wadaan qorshe la doonayo in muddo-kordhin loogu sameeyo Madaxweynaha muddo laba sannadood ah, iyadoo looga faa’iidaysanayo jaaniska Guddiga doorashooyinka ee dib-u-dhaca wakhtiga doorashada, maaddaama ay qasab tahay sharciyan in haddii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo muddada xil-haynta loo kordhiya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka markaa Kursiga ku fadhiya inta doorashada laga gaadhayo, waxaana la filayaa inta ka horreysa 26 June ee sannadkan aynu ku jirno in muddo-kordhintaas la horgeeyo Golaha Guurtida Somaliland.

Waxaanay Weftigan Midawga Yurub iyo Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa ka socda ee labada cisho dalka joogay u muuqdaan kuwo ka hor-tegaya qorshahaas labada sano, doonayana inaanay doorashadu sannadkan, dhaafin ee waxa la kordhinayo lagu saleeyo lixda bilood ee la xaqiijiyey inay doorashadu dib uga dhacayso wakhtigeedii hore.

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa iyagu markii ay caddaatay in dib u dhac ku imanayo wakhtiga doorashada ku baaqay in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada marka la gaaadho 26-ka June, isla markaana inta ka horreysa la isugu yimaaddo wada-tashi la iskula meel-dhigo cidda dalka doorasho gaadhsiinaysa. Balse waxay ku qanacsan yihiin in lix bilood oo ka bilaabanta 26 June 2015 loo kordhiyo Xukuumadda talada haysa si ay doorashada u qabato sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan UCID iyo WADDANI.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.