“Caa’ishaa (RDCH) Sinaysatay baa la yidhi, Rasuulka (SCW) way ku adkaatay, markaasaa” Samaale

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay inay is-shabbahaan, isla markaana is-barbar-dhigay qisada uu shaqada Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay uga tegay iyo qisooyin Qur’aanku caddeeyey, Suuradana ku soo dageen qaarkood oo la kulmay Nebi Yuusuf (C.S.L), Nebi Muxamed (C.S.W), Sawjaddiisii Caa’isha (RDCH) iyo Asxaabadii Rasuulka Illaahay raalli haka ahaadee.

SAMSAM IYO SAMAALE OO XILKA LA KALA WAREEGAY

Samaale waxa uu sheegay in xaasidnimada, xumaanta iyo munaafaqaddu weligood soo jireen intii dunidu jirtay, inta ay jirtana sii jirayaan, isla markaana, wakhtigan immikana ay yihiin kuwa lagu kala kexeeyey isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu sheegay in warar la sameeyey oo aan la iska hubsan laga gaadhsiiyey sida uu dhadhan ahaan hadalkiisa u dhigay. 

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo khudbad Diini iyo daliishiga Aayadaha ku jira Suuradaha Qur’aanka Kariimka ah ka jeediyey Xaflad uu Sabtidii shalay ku wareejiyey xilkii Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay Hargeysa, ayuu arrimahaas iyo qodobbo badan oo kale-ba kaga warramay. Waxaanannu khudbaddaad iyo sidii Xafladdaasi u dhacday-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.