Burco: Buuq iyo Qaylaa ka yeedha! Warbixin Weriye Xafsa Sheekh Cabdillaahi

Buuq iyo qaylo ayaa ka yeedha amni-darro awgeed meelo ku dhaw Xarumaha dawladda ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sababtoo ah, waxa halkaas lagu dhibaateeyaa dadka Shacabka ah ee u kala gudbaya Biriishka halbawlaha u ah magalada iyo qaybaha kala duwan ee magaalada sida Cusbitaalka, Xaafadaha, Suuqa iyo meelaha kale ee Burco. 

BURCO WEEYE

Dadka u kala soconaya Suuqa iyo Cusbitaalka magaalada Burco, ayaa walaac ka muujey xilliyada habeenkii boob iyo dhac ka taagan oo ay koow ka tahay isu-socodka  Cusbitaalka  oo ay dadku habeenkii si xooga ugu qulqulayaan si ay u soo eegaan Ehelada iyo Axaabta Bukaan-jiifka ku ah Cusbitaalka, isla markana ay kala kulmaan dhibatoyin lama filaan ah, taasoo ay furtaan dadka laba laba  Nin oo ku hubaysan Baangayaal, Toorriyo, Biro iyo Budhad ay la dhacaan dadka marka ay baadhanayaan, iyagoo wax kasta oo qofku sito ka qaada, sida Taleefannada gacanta, Saacadaha, Lacag iyo wixii la mid ah ee anfacaya Budhcaddaas baadhasho-tegga ah.

Goobahan magaalada Burco ku yaalla ee dadka Shacabka ah habeenkii lagu dhibaatooyo waxaa ka mid ah; meelaha u dhaw Aqalka Madaxtooyada Burco, Maxkamadda, Cusbitaalka wayn, Wasaaradda deegaanka, Xabsiga dhexe ee Burco iyo qaar ka mida Xafiisyo-goboleedyada Wasaaradaha kale, waxaanay dadku kala kulmaan goobahaas iyo dhulka ku dhaw oo Habeenkii Madaw ah dhibaatooyin, dil, garaacis dhaawacyo u geysata dadka iyo baadhasho waxay sitaanba lagaga qaado.

Intan dambe waxa dhacda inay dadku isku dayaan inay Koox koox isu raacaan marka ay Cusbitaalka tegayaan ama goobo ka ag-dhaw meelaha Budhcaddu fadhiisato muraad ka galo, si ay isaga difaacaan Tuugta hubaysan ee goobahaas dhibaatooyinka kala duwan ee Naf iyo Maalba leh ugu geysanaya.

Inkasta oo ay dhinaca kale caqabadi hortaagantay inay dadku, gaar ahaan Ragga iyo Haweenku is-raacaan ama ay iyagoo wada socda halkaas maraan, gaar ahaan dhalinyarada, sababta oo ah Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, ayaa isku xidha dadka Ragga iyo Dumarka ah, khaasatan dhalinyarta, iyagoo ka hor-tagaya dhaqan-xumo iyo inay Wiilasha iyo Gabdhuhu is-raacaan, haddana Duruuftu waxay keenaysaa Rag iyo Dumar-ba inaan qof qof loo marin dhulkaas aan soo sheegnay ee la isu raac-raaco koox koox iyo dhawr qof.

Dhibaatooyinkan oo aan weli xal wax lagaga qabto ama magaalada Burco lagaga cidhib-tiro la helin, waxa Masuuliyadda ugu weyni ka saaran tahay Ciidammada Ammaanka ee Booliska, Maamulka Degmada Burco, Maamulka gobolka Togdheer iyo guud ahaan qaybaha Bulshada oo Waalidiinta, Waayeelka iyo Wax-garadku ku jiraan inay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa. Gaar ahaan Maamulka heer degmo, gobol iyo Ciidammada Ammaanka ayay waajibaadkooda koowaad tahay inay sugaan nabadgelyada dadka iyo magaalada-ba, si aan Amni-darro u dhicin.

Weriye Xafsa-cayni Sheekh Cabdillaahi

aftahaninc@gmail.com

Burco/Somaliland.