Wasaaradda Caafimaadka oo Digniin u dirtay TELESOM oo u hoggaansami wayday Wareegto Wasiir soo saaray

“Shirkadda Telesom waa Shirkadda ugu dhaqaalaha badan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, nasiib-darro haddana waxay ku kacday xad-gudun ka dhan ah…..” War-Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somalialnd

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa dhegaha ka furaysatay inay u hoggaansanto Wareegto uu dhawaan soo saaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), taasoo nuxurkeedu ahaa inaanay Hay’adaha Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiintu baahin karin Xayaysiis ama Ogeys Caafimaad oo aanay Wasaaradda soo oggolaannin inta ka horreysa faafinta.

Telesom_Logo

MAXAMED FAARAX QOTI

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana uu ku saxeexnaa Maxamed Faarax Axmed oo ah Madaxa Isgaadhsiinta Adeegyada Caafimaadka ee Assaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo uu Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka ee Aftahannews.com ee magaalada Hargeysa, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo digniin loogu diray Shirkadda TELESOM u qornaa sidatan:-

Ku: Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom:- Ujeeddo:-  Digniin:

Anigoo tixraacaya  Warqadda sumadeedu ahayd 38/ 1../2015, kuna saabsanayd, Wareegto  ahayd mabnuucida  Xayeysiiyada ku taxaluqa Caafimaadka  aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee laga baahiyo Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta, kana soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, kuna taariikhaysnayd 4/2/2015.  Wareegtadaas oo dhaqan-galaysay 9/2/2015, kuna  saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku.

Markii ay Wasaaradda Caafimaadku ogaatay in laga sii daayo Warbaahinta maxalliga ah iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Xayaysiisyada ku taxa-luqa Caafimaadka ee lagu xayeysiiyo goobaha  Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Dhakhaatiir aanay Wasaaraddu ka warqabin, kuwo aan lahayn khibrad Caafimaad  iyo  Dawo-dhaqameedka, taasoo Bulshadda reer Somaliland soo gaadhaysiisay wax-yeello caafimaad-darro oo sababtay illaa heer dhimasho iyo dhaqaale bur-bur ku yimid Bulshadda reer Somaliland.

Shirkadda Telesom waa Shirkadda ugu dhaqaalaha badan, uguna waxtarka badan  dalka Jamhuuriyadda Somaliland, nasiib-darro haddana waxay ku kacday xad-gudun ka dhan ah  inay u hoggaansami waydo wareegto ka soo baxday Wasaaradda caafimaadka oo lagu mabnuucay in lagu baahiyo dhammaan Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta farriimaha ku saabsan dhinaca caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka.

Farriimahaas oo u dhignaa sidan:-

  1. Tixraac bisha 10/02/2015 saacadu markay ahayd 2:33PM waxay baahisay Ogaysiis aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka oo dhignaa sidan:-

“Waxa lagu wargalinayaa dhamaan dadweynaha ku nool gobolka Sool iyo Nawaaxigiisa in 12/02/2015 uu Xarunta Caafimaadka ee Laascaanood Medical Center ka hawlgalayo  Dr. C/risaaq oo ah khabiir ku takhakhusay Neerfaha iyo Xanuunnada Madaxa ku dhaca sida. Qalalka, jugaha, Waallida, Buufiska IWM, Cisbitaalku wuxuu ku yaallaa agagaarrka Gooladda una dhow Amal Express, is diwaangalintu way socotaa. wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tell: 0634923095/0634898900.”

  1. Tixraac bisha 11/02/2015 Saacaddu markay ahayd 6:12PM waxay  mar-labaad baahisay Ogaysiis aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka oo dhignaa sidan:-

“Manhal Hospital Burco waxa imanaya  16/02/2015 (Isniinta)  Dhakhtarkii Ruushka ee Dr. Nuureyn oo ku takhakhusay Daaweynta iyo Qaliinka Xanuunnada ku dhaca lafaha, Is diiwaan galintuna way socotaa, kala xidhiidh tell: 715764.”

  1. Tixraac bisha 11/02/2015 saacaddu markay ahayd 5:46PM waxay mar saddexaad baahisay Ogaysiis aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka oo dhignaa sidan:-

“Nairobi Pharmacy Burco, waxa lagugu soo kordhiyey xarun lagu xannaaneeyo dadka dhimirka wax ka qaba, iyadoo laguu diyaariyey Jiifkii, Cuntadii iyo Dhakhtarkii dhimirka, wixii faah-faahin ah kala xidhiidh tell:712255/0634896633.”

Sidaa daraaddeed, waxaannu  digniintan u diraynaa  Shirkadda Telesom, hadday u hoggaansami waydo Wareegtadaas ka soo baxday Wasaardda Caafimaadka, inay la tiigsan doonto qaynuunka iyo sharciga u yaalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad leh:

Maxamed Faarax Axmed

Madaxa Isgaadhsiinta Dhammaan Adeegyada Caafimaadk ee Assaasiga ah

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu War-Saxaafadeedka uu Aftahannews soo gaadhsiiyey ku yidhi Maxamed Faarax Axmed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.