“Anigoo Muqdisho & Garoowe tegi kara waxaan Somaliland u doortay ..” Abukar Cawaale

“Taageerayaal, asxaab, xidid iyo xigaalaba waa la isu yahay oo dadku siyaabo badan buu wax isugu yahay.. Dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliyeed-ba u hiili baan islahaa, laakiin waa ayaan-darro in Jabuutina albaabbada la iga xidhay, Hargeysana albaabbada la iga xidhay..”  Waraysi Abukar Cawaale (Abukar Qaad-diid)

Hargeysa(Aftahannews):- Abukar Cawaale oo ah Nin u ololeeya Joojinta Qaadka ama Jaadka, hadda ku sugan magaalada Hargeysa oo uu 3 cisho ka hor soo gaadhay, waxaanu sheegay in Ciidammada Ammaanka Somaliland shalay Su’aalo ku weydiiyeen Ciidanka Sirdoonku, ka dibna lagu war-geliyey inuu duullimaadka ugu horreeya ee Garoowe tegaya uu raaco oo uu ka baxo dalka, sidoo kalena la kansal-gareeyey Shir ku saabsan Wacyigelinta Qaadka oo uu Hargeysa ku qaban lahaa.

ABUKAR CAWAALE

Inkasta oo Warar Aftahannews helay sheegayaan in Masuuliyiin Xukuumadda Somalialnd ka tirsan iyo Xubno Madax-dhaqameedka dalka ka mid ahi Abukar Cawaale ku booqdeen Huteelka Maansoor ee uu ka deggan yahay Hargeysa, isla markaana raalli-gelinna ka siiyeen amarkaas, haddana ma jiro War ay Xukuumaddu si toosa uga soo saartay oo ay raalli-gelintaas ku bixisay.

Abukar, ayaa ah ninka ku guulaystay olole uu muddo dheer waday oo ka dhan ah isticmaalka Qaadka oo uu ka waday waddanka Ingiriiska oo uu deggan yahay, halkaasoo sannadkii hore laga joojiyey guud ahaanba isticmaalka cunista iyo ka ganacsiga Jaadka, waxaanu hadda u socday inuu kulammo wacyigelin ka dhan ah Jaadka ku qabto magaalooyinka Hargeysa oo uu hadda ku sugan yahay, Garoowe iyo Muqdisho oo uu ku socdo iyo Jabuuti oo uu soo maray, waxaana laga kansalay kulammadaas uu ku qaban lahaa Jabuuti iyo Hargeysa, taasoo uu nasiib-darro ku tilmaamay maaddaama oo uu u hiilinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee balwadda ka dhigtay cunista Jaadka. Waxaa isaguna arrintan ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland.

“Saaka (shalay) subaxnimadii anigoo qolkayga hortiisa jooga ayey ii yimaaddeen niman dhar-cad ah oo ka tirsan Ciidanka Ammaanka Somaliland, iyagoo runtii si asluubaysan iigu sheegay inay doonayaan inay baadhaan dacwad la iga soo gudbiyey oo aan Saldhigga u raaco (Xarunta C.I.D-da), halkaasoo aan u raacay oo muddo saddex Saacadood ah la igu hayey, waxaa xusid mudan inay si akhlaaq, maamuus iyo nimaad leh iila dhaqmeen.” Sidaa ayuu yidhi Abukar Cawaale oo xalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Mar la weydiiyey waxyaabaha Ciidanku wax ka weydiiyey ee eedayntiisa ama kiiskiisu la xidhiidhay; “Waxaa la igu eedeeyey inaan ku lug lahaa ama aan ka hadlay Shir lagaga hadlayey Khaatumo oo Dubia ka dhacay, arrintaas oo jirta, Shirkaas goob-joog baan ka ahaa, arrimaha qaadkaan ka hadlayey, aniguna ma ihi nin arrimaha Siyaasadaha gala, goob walba oo Bulsho-weynta Soomaaliyeed isugu timaaddo ama Somaliland ha ahaato, ama Puntland ha ahaato, ama Soomaaliya ha ahaato ama Khaatumo ha ahaato ee meel kasta oo Soomaaliyi isugu timaaddo inaan gaadhsiiyo farriinta wacyigelinta Jaadka, taasina waa hawl aan waday sagaalkii sano ee ugu dambeeyey. Waxaan aamminsanahay hawlo kale inay jiraan, way ka waynayd arrintanu arrinkan la igu soo eedeeyey.”

Sidoo kale, Abukar Cawaale oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ay yihiin hawlaha uu tuhunsan yahay, waxa uu yidhi; “Dabcan waxa la iga kansalay oo la joojiyey Shir aannu habeen dambe (caawa) halkan (Hargeysa) ku qaban lahayn oo wacyigelinta Qaadka ah, kaasoo aan isleeyahay laga yaabee inay dawladda Somaliland arki karto ama ujeeddo dhibaato aanan anigu u jeedin, markaa arrimo shirkaas iyo colaadahaas la xidhiidha ayaa loo joojiyey baan aamminsanahay Shirkaas, anigana waxa la ii xidhay oo la ii weydiiyey inaan dalka ka baxana keentay waa taas baan aamminsanahay.”

Cawaale oo ka hadlayey su’aal laga weydiiyey wakhtiga loo qabtay inuu kaga baxo Somaliland waxa uu yidhi; “Duullimaadka ugu horreeya ee macquulka ah raac baa la igu yidhi, si fiican oo Islaamnimo ku jirto oo Soomaalinnimo ku jirto ayaa la iila dhaqmay, Huteelkaan degganaa baa la igu soo celiyey, Duullimaadkayga ugu horreeya ee Garoowe tegayaana waa Sabtida oo aan marka horeba u bixi rabay oo qorshahaygu ahaa inaan u safro, ka dibna Muqdisho uga sii gudbo. Markaa, waxaan leeyahay looma hiilinnin Wiila yar-yar ee farriintayda wacyigelinta Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa aan la wadaago.”

“Laakiin, dhirbaaxo way nagu dhacday, wakhti baa igaga lumay, juhdi baan soo geliyey, kharash baa igaga baxay, anigoo heli karayey inaan tego Garoowe, anigoo heli karayey inaan Muqdisho aado, ayaan ka door-biday inaan Somaliland imaaddo, sababta aan saa u sameeyey-na waxay ahayd Dhalinyaro reer Somaliland ah oo Ururka ka mid ah oo iga codsaday inaan wacyigelinta soo gaadhsiiyo Somaliland oo halkan igu casuumay. Markaa, waxaan aad uga xumahay in Anigoo marti ah oo meel dheer uga imi Somaliland in gogoshii la ii fidiyey dib la iiga laabo, layna sheego inaan dalka ka baxo.” Sidaa ayuu yidhi Abukar Cawaale.

Mar Ninkan oo ah ninka ku guulaystay in Qaadka laga joojiyo waddanka Britain, ayaa la weydiiyey in Ururkiisa la-dagaallanka isticmaalka Qaadka ee uu isagu leeyahay ka diiwaangashan yahay Somaliland iyo in kale waxa uu yidhi; “Ururkan la-dagaallanka Qaadku kama diiwaangeshana Somaliland ee Ingiriiska ayuu ka diiwaangashan yahay, Somaliland waxa ka diiwaangashan Ururrada I casuumay oo uu ka mid yahay Ururka ASMO ee la-dagaallanka Qaadka oo Burco ka dhisan iyo kuwo kale, anigu sidaas baan ku imi Somaliland inaan la wadaago dhibaatada qaadka, taageerayaal, asxaab, xidid iyo xigaalaba waa la isu yahay oo dadku siyaabo badan buu wax isugu yahay.”

“Somaliland waxaan u haystay siyaasaddooda ha aamminsanaadaan, laakiin waxaan u haystay dad Soomaaliyeed oo wax badan xeerinaya, anigu Nin Siyaasadeed ma ihi, siyaasad kuma jiro, ololaha qaad-diidkaan wadaa, Dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliyeed-ba u hiili baan islahaa, laakiin waa ayaan-darro in Jabuutina albaabbada la iga xidhay, Hargeysana albaabbada la iga xidhay.” Sidaa ayuu yidhi Abokor Cawaale.

Abukar Cawaale oo la weydiiyey cidda uu u tuhunsan yahay arrintan uu kala kulmay Somaliland, waxa uu yidhi; “Ma odhanayo waa ciddaa, wax caddaynana uma hayo, laakiin dad ganacsigood baan hanjabaad ku ahay, joogitaankayga ama Muqdisho aan tago ama Hargeysa aan joogee, waxaan aamminsanahay iyaguna inaanay meel ii fadhiisanayn oo dhirbaaxadii ka gaadhay Ingiriiska aanay dhayalsanayn ee ay wadaan olole hor leh oo waddanka la soo gaadhsiiyo. Runtii welwel wayn baanan ka qabaa ammaankayga iyo sidii aan uga nabad noqon lahaa, waa caqabad aad u wayn, ILLAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu igu nabad-yeelo, labadaa goobood ee ii dhimanna inaan gaadhsiiyo. Shacabka Soomaaliyeed hadday iyagu doortaan inuu qaadku noqdo lagama hadlaan waa ayaan-darro, laakiin ka quusan mayno Insha ALLAAH, waana sii wadaynaa.”

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo VOA-du weydiisay go’aanka ay Somalialnd ugu sheegtay inay dalka si deg-deg ah uga baxo, waxa uu ku jawaabay; “Abokor Cawaale waxaan kala socdaa inuu yahay nin Somaliland ku yimi booqasho oo Baasaabboor British ah sita oo dalka si nabad ah ku soo galay, kuna hurda Huteel Maansoor. Anigu Hay’adda socdaalkaan xukumaa, Somaliland si nabad ah buu u soo galay, wax dhibaato ah oo aan ku ogahayna ma jirto, Hay’adaha ammaankuna way badan yihiin, cid ku amartay lama socdo, laakiin waxaan ogay sharci inuu dalka ku soo galay, sharcina kaga bixi karo.”

Waxa uu Taliyaha Socdaalku sheegay in dadka su’aalo la weydiin karo, laakiin aanu xidhnayn Abukar Cawaale, isla markaana aanu jirin wax war ah oo ka soo gaadhay dhinaca Hay’adaha kale ee Ammaanka, sidoo kalena ay Hay’adaha Aammaanku u madax-bannaan yihiin baadhitaanka wixii dembiyo ah ee cidda dalka ku sugani gudaha dalka ku geystaan, hase-yeeshee, uu isagu maamulo Hay’adda socdaalka, una oggolaaday inuu gudaha Caasimadda Hargeysa soo galo oo dego, si sharci ahna uu kaga bixi doono marka uu isagu goosto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.