Fadeexado la xidhiidha Shuruuc Wasiirka Caddaaladdu baal-maray ku dhaqankooda & saamaynta ka dhalan karta!

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa gebi ahaanba baal-maray, isla markaana jabiyey ku-dhaqanka iyo dabba-qaadda Xeerka Wareejinta Maxaabiista oo Madaxweynaha Somaliland digreeto ku dhaqan-geliyey 210-kii March ee 2012-kii, ka dib markii ay meel-mariyeen Golayaasha Sharci-dejinta dalku.

WASIIRKA CADDAALADDA XUSEEN AXMED CAYDIID

Xeerkan oo ka soo baxay isla markaan aay meel-mariyeen Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka, ayaa ka kooban qodobbo isugu jira waajibaadka saaran ee looga baahahay inay fuliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Saraakiisha Xabsiyada halka sidoo kale ay kaga xusan yihiin qodobbo tilmaamaya xuquuqaha ay leeyihiin Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka ee laga soo wareeyey waddamo kale iyo lagu wareejinayo waddamo kale, haddii ay timaaddo.

Xeerkan oo Wasaaradda Cadaaladdu muddo badan ku hawlanayd meelmarintiisa, ayaa ku waajibinaya Wasiirka Cadaaladda iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda inay faafinta rasmiga ah Qaranka ku baahiyaan Heshiisyada ay xukuumaddu dalalka shisheeye kula gasho Isku wareejinta Maxaabiista, iyada oo muddadii uu Md Xuseen Caydiid hayey xilka wasaaradda uu galay heshiisyo waddamo shisheeshe lagula galay Maxaabiis lagu soo wareejiyey Somaliland oo wakhtigan ku jira Xabsiyada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Budhcad badeedda Soomaalida. Haseyeeshee Wasiir Xuseen Axmed Caydiid uma hoggaansamin qodobka Xeerka ku jira ee waajibinaya ku dhaqankiisa.

Haddaba wargeyska HIMILO waxa uu si taxane bulshada iyo akhristeyaashooda ugu soo gudbinayaa qodobadda uu sida cad u jebiyey Wasiirka Cadaaladu Mr. Xuseen Axmed Caydiid ee xusan Xeerka, annaga oo maanta soo qaadan doono qodobka saddexaad ee Xeerka Heshiisyada Isku-wareejinta Maxaabiista.

Qodobka Saddexaad ee Xeerkan ku xusan, ayaa u dhigan sidan:-

“Marka heshiis maxaabiis isku wareejin ay Somaliland la gasho dal kale oo tilmaaman, Wasiirka Cadaalada waxa uu go’aankaas ku soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Qaranka isaga oo muujinaya in Qodobbada Xeerkan lagu dabaqayo waddankaas; iyaguna si la mid ah marka loo eego shuruudaha, tilmaamaha iyo waxyaabaha gaarka ah ee la iskula qaatey heshiiska.”

Haddaba, waxa isweydiin mudan sababta Wasiirka Cadaaladdu Mr. Xuseen Axmed Ducaale u baalmaray ku dhaqanka Qodobkan sida gaarka ah u tilmaamaya Waajibaadka ka saran fulintiisa, isla markaana u shaacin waayey heshiisyada Maxaabiis Isku wareejinta uu la saxeexday dalalka Shisheeshe, sida waddanka Seychelles oo xilliyo kala duwan maxaabiis budhcad badeed Soomaali oo ay xukumeen loogu soo wareejiyey Xabsiyada Somaliland.

La soco, qodobbo kale oo wasiirka cadaaladdu ka baaqsaday ku dhaqankiisa ee xeerka wareejinta maxaabiista, oo saamayn ku yeelanaysa guud ahaan nidaamka shuruucda garsoorka Somaliland gudo iyo dibedba xilli cabasho xooggan hore uga jirtay fulinta masuuliyiinta u xil-saaran.

Xigasho Wargeyska Himilo.