Guddoomiyaha Saaxil oo ka hadlay sababta keentay hakad ku yimi diiwaangelinta oo Shaqaaluhu ka cawdeen

Berbera(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay sababta loo hakiyey hawsha diiwaangelinta deegaanno ka tirsan gobolka oo uu sheegay in qorshuhu ahaa in laga hawlgalo, ka dib markii ay muddo ka socotay magaalooyinka Sheekh iyo Berbera, balse dib loo dhigay deegaannada loo bixi lahaa muddo saddex toddobaad ku siman sabab la xidhiidha adeegga Internet-ka oo aan weli la gaadhsiin awgeed.

Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar

Dhalinyarada ka hawlgalay diiwaangelinta Madaniga ah ee muddada bisha iyo dheeraadka ah ka socotay magaalada Berbera, ayaa cabasho ka muujiyey amar uu Badhasaabka gobolka Saaxil ku joojiyey shaqada sida ay ku doodeen, kuwaasoo sheegay in Lacagta gunnada ahayd ee ay ku shaqaynayeen labaatankii maalmood ee ugu dambeeyey aan la siin ee ay ka maqan tahay, isla markaana bannaan-bax kooban ku muujiyey cabashadooda, ka dib markii ay ka soo baxeen kulan ay Salaasadii shalay Guddoomiyaha gobolka Fahmi Cabdi Bidaar kula yeesheen Xafiiskiisa Xarunta Maamulka heer gobol ee magaalada Berbera.

Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo oo xalay Khadka Taleefanka kula xidhiidhay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo uu wax ka weydiiyey sababta keentay amarka uu ku joojiyey diiwaangelinta oo si habsami ah halkaas uga socotay sida ay ku cawdeen dhalinyarada ka shaqaynaysay qalabka diiwaangelinta, waxaanu ku jawaabay; “Ma jirto diiwaangelin ka socotay Berbera oo aan joojiyey ama cid kale joojisay, waxani nadaam iyo qorshe ayay ku socdaan, waxay ahayd in loo baxo hadda deegaannada Tuulayaasha Miyiga gobolka Saaxil ku yaalla oo diiwaangelinta laga bilaabo, taasina hadda way suurageli wayday oo diiwaangelintu waxay u baahan tahay Internet, Tuulooyinka Miyigana internet-ku kama shaqaynayo, sidaa awgeedna Shirkadda Telesom oo qandaraaska Internet-ka qaadatay waxay codsatay in muddo 20 cisho ah ay Tuulooyinka ku gaadhsiiso Internet-ka. Sidaa daraaddeed, ayaannu Shaqaalaha u fasaxnay 20-kaas maalmood.”

“Toddobadii bishan ayaannu dhalinyarada diiwaangelinta ka shaqaynaysay u sheegnay in labaatankaa cisho hawshii la qaban lahaa la yara hakiyey, dhalinyaradan cabanaysay ee TV-ga laga soo daayey waa dhalinyaradii aannu wadahadalnay ee aannu arrintan isla qaadannay oo markii ay Xafiiska ka soo baxeen Weriyaha la hadlay, Lacagtana bil bay ku qaataan, bishii dhammaatayna Lacagteedii waan siiyey maanta (shalay), waxa u hadhay waa toddoba cisho oo ay bishan ka shaqaynayeen, toddobadaasna waxaan ku idhi Bisha dambe markaynu hawsha dib u bilawno ayaa la idiin raacinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Fahmi.

Waxaanu Guddoomiyaha Saaxil oo hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay; “Taasina maaha wax keligay ka soo go’ay ee waa go’aan Guddiga diiwaangelinta u xil-saaran iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo kulligayo aannu isla eegnay, maaddaama oo ay Shirkaddu codsatay inay 20 cisho adeegga Internet-ka ku gaadhsiinayso deegaannada hawshu ka bilaabmi doonto 20-kaa maalmood ka dib. Markaa, wax kale oo dhibaato ahi ma jirto, Saaxil ama Berbera oo keliya-na maaha ee Hargeysa-ba way nala qabtaa oo deegaanno aan Internet ka jirin oo aan laga bilaabin baa jira, markaa waa adeeggaas aanay la’aantii diiwaangelintu soconaynin sababta hakadkaas keentay.”

Mar uu Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey inta wakhtigan adeegga Internet-ka la’aantii loo xannibayo sii socoshada diiwaangelinta ee Tuulooyinka gobolka, miyaanay ka habboonayn in muddada ay goobaha adeeggaasi ka jiro ka socotay ee labada bilood ku dhaw in laga sii hirgeliyo adeeggaas si aan hakad u iman? Waxa uu ku jawaabay; “Haa way habboonayd, arrintaasna qolada Shirkadda TELESOM oo qandaraaska Internet-ka qaatay dhawr jeer baan kala hadlay, markaa Shaqaalaha kooxda adeeggan u tabobbaran ayaa hal Koox oo hawsha ku jirtay ah, sidaa awgeedna iyagaa hadda naga codsaday in 20 cisho ay hawshaa ku dhammaystirayaan, dee labaatankaasna dhalinyaradu qalabka iska dul-fadhiyi maysee inay hawsha fasax ka ahaadaan ayaa go’aanku noqday, 20-kaas ka dib haddii Illaahay yidhaahdana sidoodii ayay u soo hawlgalayaan Shaqaalaha diiwaangelintu.”

Badhasaabka gobolka Saaxil waxa uu sheegay in Deegaannada hadda la gaadhsiin doono adeegga Internet-ka ee ugu horreeya ay ka mid yihiin Bullo-xaar, Laas-ciidle, Laasa-dacawo iyo kuwo kale oo badan. Waxaanu intaas ku daray in qorshuhu yahay in dhammaan Tuulooyinka gobolka Saaxil laga hirgeliyo adeegga Internet-ka si aan hakad dambe ugu iman socoshada hawsha diiwaangelinta Madaniga ah oo dalka ka bilaabantay dhawr bilood ka hor.

Xigasho Wargeyska Himilo.