C/Raxmaan-Cirro oo Baaq u kala diray Xukuumadda Siilaanyo, Gobollada Bariga & Galbeedka Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (C/Raxmaan-Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladaha labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ka taagnaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, halkaasoo ay Xukuumaddu Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama ku xidh-xidhay.

CABDIRAXMAAN-CIRRO

Guddoomiye Cirro waxa uu Baaqyo nabadeed u kala diray dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland cid qolo ku noqotay aanay jirin, hase-yeeshee, ay tahay Somalilandnimadu mid la wada leeyahay dhibteeda iyo dheefteeda, cid inta ay ku leedahay lagala masuugi karaana aanay jirin.

Xaaladaha kacsanaanta ah ee gobolkaas ka taagan waxaa ka mid ah Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo toddobaadkii hore gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay Beesha gobolkaasi ka go’day Somaliland, isla markaana dhisanayso Maamul u gaar ah oo ka madax-bannaan Somaliland sida uu sheegay, kana mid noqon doona Maamul-goboleedyada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya hoostaga.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, isagoo Xukuumadda u soo jeediyey inay xorriyaddooda u soo celiso Mudanayaasha ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sidoo kale, Guddoomiye Cirro waxa uu soo jeediyey in xal, nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo tabashada reer dadka reer Awdal qabaan iyo arrimaha hadallada cadhada leh ka yeedhsiiyey Suldaan Abibakar Cilmi Wabar, isagoo Guddoomiyuhu tilmaamay inay dadka reer Awdal iyo Selel yihiin laf-dhabarta ama Udub-dhexaadka dhismaha dawladnimo ee Somaliland, isla markaana ku tilmaamay dad astaan u ah Somaliland oo aanay mudnayn in tabashadooda la sahashado ee ay tahay in la daweeyo waxa ay tabanayaan ee ay dhawr bilood ka hor u soo gudbiyeen Madaweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Awdalba ku dhalliileen inaanu xil isaga saarin sidii ku habboonayd.

Haddaba, Warbixinta Shirka Jaraa’id ee uu Salaasada Maanta ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa iyo arrimaha kala duwan ee uu kaga hadlay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.