Jamaal Muxuu ka yidhi ka bixitaanka Faadumo Siciid, dacwad RRU-da uu ka gudbiyey & arrinta Suldaan Wabar?

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay ka bixitaankii ay Faadumo Siciid oo ahayd Xoghayaha Maaliyadda UCID oo dhawaan ku biirtay Xisbiga WADDANI, Dacwad cabasho ah oo ay dawladda Ingiriiska uga gudbiyeen cabashada Shacabku ka qabo hawlgallada Ciidanka RRU-du ka fuliyo gudaha dalka iyo sidoo kale Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo sheegay inay reer Awdal ka go’ayaan Somaliland.

MUSHARRAX JAMAAL CALI XUEEN 2

Jamaal waxa uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay mar uu Saxaafadda ugu warramayay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo uu Isniintii ka soo degay ka dib markii uu ka soo laabtay Safar muddo bil iyo badh ah qaatay oo uu ku tegay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, isagoo ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen Saraakiil dawladahaas ka tirsan oo uu kulammo la yeeshay, waxaanu halkaas kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Shirkiisa Jaraa’id ee safarkiisa uu kaga warramayey ka qaybgalay Isniintii shalay.

Haddaba, qodobbadaas iyo kuwo kale Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ka warramaya, kana jawaabaya su’aalaha la weydiiyey uu ka bixiyey-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.